Jaamacadda Admas oo Qabatay Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Dhaqaalaha + SAWIRRO

0
654

Hargaysa (Hargeisa Press): Jaamacadda Admas faraceedda magaaladda Hargaysa ayaa qabatay dood cilmiyeed ku saabsan dhaqaalaha iyo barashadda culuumtiisa.


Dood cilmiyeedkaasi oo ay soo qaban qaabisay jaacadda Admas gaar ahaana kuliyadda dhaqaalaha ee jaamacadaasi.
Waxaana dood cilmiyeedkaasi intii ay socotay lagu falan qeeyay muhiimadda dhaqaalaha iyo faa’iidooyinka kala duwan ee ay u leedahay qaybaha bulshadda.

Dood cilmiyeeskaasi waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan jaamacadda Admas oo uu ka mid ahaa  ku-xigeenka jaamacadda Admas Xuseen C/laahi Maxamed. Madaxa ururka dhaqaale yahanadda Somaliland Dr. Aadan Ismaaciil, xubno ka socday baanka dhexe ee Somaliland.
Aqoon yahano ku xeel dheer cilmiga dhaqaalaha iyo ardayda wax ka barata jaamacadda Admas.


Xuseen C/laahi Maxamed, oo kulan aqooneedkaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin doodaha noocaasi ah iyo faa’iidadda ay ka helayaan aedayda jaamacadda Admas wax ka barta.

Daawo Hadaladii Laga Jeediyay Dood Cilmiyeedkaasi:


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here