XQJSL Oo Ka Digay Shir-qool Ay Somaliland Ku Wadaan UN iyo EU

0
1031

Hargeisa (Hargeisa Press): – Ururka xaqdoonka Somaliland ayaa waxaa uu ka digay shirqool ay Somaliland ku wadaan Hay’addaha UN iyo EU.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray ururku waxaanu u dhignaa sidan:-

“Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hakisay dhammaanba wixii wada-xaajood iyo wada-tashiyo ahaa ee ka dhexeeyey Hay’addaha jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa.

Sida uu Axaddii todobaadkan oo ku beegan(25 October 2020), wareegto ku soo saaray Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi).

Kaasoo lagu socodsiiyey dhamaan Hay’adaha UN-ka ee ka shaqeeya dalka.
Qaraarkan ayaa daba socday beyaan 17 isla bishan October 2020 golaha Wasiirrada Somaliland soo saareen, kaasoo lagu caddeeyey in Qarammada Midoobay iyo Dowladda aan Iskeed Isku Maamulin ee Muqdisho kala saxeexdeen heshiis meel-ka-dhac ku ah qarannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

heshiiskan lidigga ku ah Qaranimada JSL oo lagu kala saxeexday Muqdisho 15 October 2020 , ayaa ah mid farogelin ku ah arrimaha gudaha dalka Somaliland, sidaa darteedna aanay suurtogal ahayn in qodobada ay UN-ka iyo Soomaaliya ku heshiiyeen uu lagaga shaqeeyo, dalka Somaliland amma ay ka dhaqan-galaan.
Ururka Xoojinta Qaranimada JSL isagoo ka duulaya ahmiyada ay leedahay in Dawladda lagu garab istaago Difaaca Qarannimada , waxa uu si buuxda ugu taageerayaa go’aamada ay xukuumaddu ka qaadatay shirqoollada iyo xad-gudubyada ay Hay’addaha QM doonayaan in ay ku mijo-xaabiyaan madaxbanaanida Dalkeena, waxaanu ku boorinayaa Hay’addaha fulinta ee qaranku in ay talaabo adag ka qaadaan cid kasta oo isku-dayda in ay jebiso amarkaas, hay’addaha u hogaansami waayana sharciga la mariyo.

Urura XQJSL, waxa kale oo uu xukuumadda iyo Goleyaasha Baarlamanka Somaliland u soo jeedinayaa in si heer qaran ah loo daraaseeyo saameynta taban ee ay qaranimada iyo dawladnimada ku yeellanayso aqbaalada danjireyaasha ay dalalka caalamku u soo dirsadaan Waddanka aynu Jaarka nahay ee Soomaaliya ee Waddankeena yimaada iyagoo ku magacaaban Xafiisyada uga furan Muqdisho, inaguna aynu ula baxno Safiirrada Somaliland iyo Soomaaliya, magac-bixintaasoo ah mid aan sharci iyo heshiis siyaasaddeed ku dhisnayn, balse aynu sabab aan caddeyn ugu samayno biriij ay inagu soo galaan oo ay danaha dalalkooda inooga dhex fushadaan iyagoo ku shaqaynaya siyaasadda ay ka leeyihiin Soomaaliya.

Ururka UXQJSL wuxuu aaminsanahay in Qaranka Somaliland maanta marayo meel fiican oo uu isku filnaan karo dhaqaale ahaan iyo nabad-gelyo ahaanba, kana koray wakhtigii lagu gumaysan lahaa mucaawimooyin faro guudkood ah oo lagu bah-dilo calanka iyo madaxbanaanida Waddanka, hase yeeshee uu u baahan yahay saaxiibo dhab ah oo ay isku dan iyo isku aragti yihiin, sida Dawladdaha Taiwan, Imaaraadka iyo saaxiibadeena kale ee dunida.

Sidoo kale waxa uu baahan yahay Maal-gashadeyaal caalami ah oo aan u hamranayn Maamulka Fashilmay ee Xamar, si’ lamida Shirkaddaha DPWORLD, Trafigura iyo kuwa kale ee ku soo hiranaya khayraadka dihin ee JSL.

Haddaba, Ururka UXQJSL waxa uu Goleyaasha Qaranka ugu baaqayaa in dib-u-eegis lagu sameeyo la shaqaynta Danjireyaasha fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ee Dalalkoodu u soo wakiisheen Soomaaliya, haddana inagu aynu aqbalnay in howlihii ay halkaa ka qabanayeen ay ka fuliyaan Somaliland, iyadoo aynu ognahay in Soomaaliya ay ka baxday heshiisyadii beesha caalamku inagu dhex dhexaadisay ee ahaa in aan la siyaasaddeyn Mashaariicda mucaawimooyinka, maal-gashiga iyo Horumarinta.

Safiirradaasi, waxa kamida Wakiilka Midowga Yurub oo si ka baxsan diblomaasiyada uga fuliya Somaliland howl-galo aan kala go’ lahayn oo ay qaarkood khatar ku yihiin nabad-gelyada iyo midnimada Qaranka, dhamaan Safiirrada dalalka Yurub, Safiirka Maraykanka iyo Dalalka kale ee ay isku siyaasadda yihiin ee lugta inoo haya Dawladda Xamar.

Sidaasi awgeed, Ururka UXQJSL, waxa uu ku talinayaa in ay Hay’addaha dawladda oo ay ugu horayso xukuumaddu ay qorshe deg deg ah iyo siyaasad cad ka soo saaraan arrintaasi, iyadoo loo eeggayo masaaliixda dalkeena, hab-dhaqannada diblomaasiyadeed iyo xeerarka Caalamiga ah.


Allaa Mahad leh
Guddida fulinta UXQJSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here