Jaaaliyadda Somaliland ee Holland oo Doortey Gudoomiye Cusub iyo Dareenka Ay Ku Abuurtey Qurbajooga + SAWIRRO

0
1511

Amesterdam,(HargeisaPress) -Jaaliyadda Somaliland ee ku nool Wadanka Holland ayaa Gudoomiye u Doortey Eng.Maxamuud Cabdale Digaale Kadib markii ay Kulan Jaaliyaddu u dhan Tahey loogu Cod-qaadey.

Jaaliyadda Somaliland ee Wadanka Holland oo maalmihii u Dambeeyay Kulan Jaaliyaddu u dhan tahey kaga arinsanayay sidii ay boodhka uga tumi lahaayeen islamarkaana u dardar galin lahaayeen dhaqdhaqaaqyada dhinacyada diblamaasiga ee Wadankaasi ayaa gabagabadii kulankooda, Gudoomiye u Doortey Eng.Maxamuud Cabdale Digaale oo kamid ah Raga ugu firfircoon Xubnaha Jaaliyadda kaas oo isla Doorashadiisa kadib la Wareegi Doona xilka hogaaminta Jaaliyadda si ay hore uga ambaqaadaan Hawlaha jaaliyada Wakhtigan horyaala.

Ma aha markii u Horeysay ee Nooceeda ah oo jaaliyadani Gudoomiye u Doorato mid kamid ah Xubnaha jaaliyada, inkastoo Mudooyinkan Dambe guud ahaanba Jaaliyadaha Dhinaca Dibadda ama Dalalka Yurub ee Reer Somaliland si aad ah uga niyad jabsanaayeen Siyaasada Arimaha Dibadda ee Gudaha Dalka.

Haddana Dareen badan oo ay ku baraarugeen Jaaliyadaha Reer Somalliland ee Dalalka Yurub ayay ku Noqotey Doorashada Jaaliyada Somaliland ee Wadanka holland ay Wakhtigan ku Doorteen Gudoomiye Cusub.

Halkan hoose ka Daawo SAWIRRO

Cabdikarin Qooraagab -HargeisaPress News Desk – Hargeysa 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here