Guddi Hoosaadka Dhaqaalaha Oo Su’aalo Ka Waydiiyay Wasiirka Maaliyadda Miisaaniyad-sanadeedka 2020-ka

0
621

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo ay wehelinayeen saraakiil ka tirsan wasaaradda maaliyadda ayaa maanta hortegay guddiga dhaqaalaha ee golaha Wakiiladda Somaliland.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Wakiiladda waxaa lagaga wada hadlay odoroska miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2020-ka.

Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee la socday ayaa faahfaahin ka bixiyay odoroska miisaaniyad sanadeedka 2020-ka, iyo meelaha meelaha ay diiradda saari doonaan iyo mashaariicda horumarineed ee ku jira.

Kulankaasi markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka maaliyadda Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha Wakiiladda xildhibaan Cumar San-weyne.

Xildhibaan Cumar San-weyne, ayaana faahfaahin ka bixiyay, waxaanu yidhi,  “Guddi ahaan dib ayaanu u eegnay miisaaniyadda, waana sida uu sharcigu na siinayo. Mar labaad ayaanu wada hadalnay, oo isla  eegnay gudigii iyo wasaaradda maaliyadda oo wasiirku hor kacayo, wasiir ku-xigeenka iyo agaasimaha guud.

Wixii aanu isla garanay, ama wixii mad-madow ahaa ee ku jiray, ee aanu u baahnayn in aanu ogaano ee tafsiir ah, waanu kala qaadanay. Sidaas ayaanan golaha ku hor gaynaynaa”.

Xildhibaan Cumar san-weyne, waxa uu sheegay in aanay jirin haba yaraatee wax cashuur ah oo la kordhiyay. “Waxaan ummada u sheegaynaa in aanay wax cashuur ah oo la kordhiyay jirin, sanadka soo socda. Sanadkii horena waa tii aanu celinay cashuurihii korodhsiimadda ahaa ee ku jiray” ayuu yidhi xildhibaan Cumar.

Geesta kale wasiirka wasaaradda maaliyadda Sacad Cali Shire, ayaa isna faahfaahin ka bixiyay kulankaasi iyo arrimihii lagaga wada hadlay.

Waxaanu yidh, “Kulankayagan maanta wuxuu ka mid yahay, geedi socodka miisaaniyadda loo keeno golaha. Arrinkaasoo ka bilaabma marka wasaaradda maaliyadu samayso miisaaniyadda in la hor keeno golaha, oo loo sharaxo, goluhu-na ka waydiiyo su’aalo.

Tallaabadda labaad-na waxa weeye, marka miisaaniyadda la qayb-qaybiyo fadhiga hore, guddidani in ay mar kale u yeedho wasaaradda, oo ay kala hadasho, waxyaabaha u baahan faahfaahin ama ay su’aallo ka qabaan.

Tallaabadda saddexaadna waxa weeye, markaa golaha mar kale lagu celiyo, oo dabadeedna sidaa loo ansixiyo”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here