Itoobiyaanka Ku Nool Hargeysa oo Maanta Dibad-bax Dhigay

0
1016

Hargeisa (Hargeisa Press) – Dadka qaxootiga ah ee ka soo jeeda qowmiyada Oromada ee ku nool magaalada Hargeysa, ayaa maanta banaanbax cabasho ah ka sameeyey magaalada.

Dadkan Oromada ah, ayaa banaanbaxoodu salka ku hayaa cabasho ay sheegeen in ka qabaan ciidamadda Booliiska oo ay sheegeen in ay raaf joogto ah ku hayaan.

Sidookale, qoxootigan Itoobiyaanka ah, ayaa waxay cabasho ka muujiyeen dacaayado ay sheegeen in suuqa loo geliyay oo ah in danbi kastaba ay iyagu galaan.

Dadkan Oromada ah, ayaa sheegay inay cabsi ka qabaan in dhib loo gaysto kadib markii la sheegay in dhawaan Ilmayar oo gurigooda laga xadday lagu eedeeyey dad Oromada ka mid ah.

Waxaa kaloo ay dadkan Oromada ahi ay sheegeen in Falkasta oo dhaca la odhanayo waa Oromo, waxaanay fariin u direen dowladda Somaliland.

Dhinaca kale, guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland, ayaa meesha ka saaray inay jiraan dad halis ku ah amniga dadka Oromada ah ee ku nool Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here