Dowladda Itoobiya oo Sheegtay In Aanay Ka Tanaasuli Doonin Damaceeda Badda

0
1855

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Dowladda Itoobiya, ayaa waxaa ay mar kale ku celisay in ayna habayaraatee marnaba ka tanaasuli doonin damaceeda la xidhiidha Badda Cas, ayna ka go’an tahay sidii ay ku heli lahayd bad ay adeegsato.

Agaasimaha fulinta machadka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Jacfar Bedru, ayaa sheegay in helitaan bad ay muhiimad wayn u leedahay Itoobiya, wuxuuna sheegay in ayna ka laaban doonin doonistooda badda cas.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in muddo dheer ay soo wadeen halganka ay ku doonayaan in ay ku helaan bad, balse waxa uu xusay inay ka soo horjeedaan waddamada dariska ah.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay isku xidhan tahay inay bad helaan iyo jiritaanka Itoobiya, sida uu sheegay madaxa fulinta machadka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya.

“Itoobiya iyo badda cas waxaa ka dhaxeeya xidhiidh taariikhi ah. Itoobiya waligeed waxay halgan taariikhihi ah ugu jirtay Badda Cas, waana arrin ku xidhan jiritaankeeda. Waddamada deriskayaga ah waxaa ka go’an inay meesha ka saaraan doonistayada Badda Cas” ayuu yidhi Jacfar Bedru.

Dhinaca kale, wuxuu ku eedeeyay wuxuu ugu yeedhay cadowga Itoobiya ee taariikhiga ah, inay maleegayeen sidii Itoobiya looga saari lahaa wada hadallada ku saabsan badda cas ee ay soo gashay Dowladda Somaliland.

madaxa fulinta machadka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, Jacfar Bedru, ayaa wuxuu hadalkan ka sheegay wada-hadalladii labaad ee Badda Cas oo ka dhacay Addis Ababa, waxaana hal ku dhig u ahaa baahida iskaashi goboleed ee Badda Cas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here