Golaha Guurtida Somaliland oo Guddi U Saaray Xeerka Garyaqaanka Guud

0
799

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shir guddoonka aqalka golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxaa ay maanta guddi u saareen Xeerka Garyaqaanka Guud ee dowladda Xeer Lr.89/2019, kaasi oo golaha horyaalay.

Guddidan golaha Guurtidu u saaray inay soo naaqishaan xeerka Garyaqaanka Guud oo in muddo ah golaha horyaalay, ayaa ka kooban 11 xubnood.

Xeerkan Garyaqaanka guud, ayuu golahu, u dhiibay guddida shuruucda ee golahaasi si ay wax ka beddel iyo kaabis ugu soo sameeyaan, gola weynahana u soo celiyaan.

Waxaana la sheegay in Guddi uu golahu hore ugu xil saaray xeerkan, ay xeerkii oo sidiisi ah ay dib ugu soo celiyeen shirguddoonka, isla markaana ay isku qabsadeen xubnaha guddidu, iyadoona uu golahu ugu dambayn maanta go’aan ka gaadhay.

Xubnaha guddida goluhu u saaray soo naaqishaada Xeerka Garyaqaanka Guud, ayaa kala ah sidan:-

1.Dayib Xasan Maxamed.

2.Axmed Daahir Maxamuud.

3.Axmed Dirir Cali.

4.Maxamed Sh. Cabdiraxmaan Maxamed.

5.Cabdiqaadir Maxamed Xasan.

6.Axmed Nuur Aw .Cali Aaden.

7.Jirde Siciid  Maxamed.

8.Daahir Cali Jaamac.

9.Axmed Cali Aaden Qalinle.

10.Cabdiraxmaan Qawdhan Maxamed.

11.Siciid Maxamed Cismaan.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Xildhibaanada ku adkeeyay in maalinta Sabtida ee toddobaad dambe ay ku soo dhamaystirtaan Xeerka Garyaqaanka guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here