Itoobiya oo samaysaneysa Markab diyaaradaha dagaalka xambaara, ka dib heshiiska Somaliland

0
7925

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Dowladda Itoobiya, ayaa waxaa la sheegay in ay wado qorshe ay ku damacsan tahay inay ku samaysato Markab nooca diyaaradaha dagaalka xambaara ah, Sida ay sheegeen diblomaasiyiin Itoobiyaan ah oo ay soo xigatay Shabakada HargeisaPress.

Arrintan, ayaa sii xoojineysa awoodda milateri ee Itoobiya, iyadoo bartanka lagaga jiro xiisadda sii xoogeysanaysa ee biyaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Diblomaasiyiinta, ayaa sheegay in Itoobiya ay sidoo kale wada-hadallo kula jirto dhawr waddan si ay u hesho Markabka diyaaradaha dagaalka xambaara.

Heshiiska, ayaa waxaa la filayaa in la soo xidho dhowr bilood gudahood, Sida ay diblomaasiyiintu sheegeen.

Markabka, ayaa waxaa la filayaa inuu noqon doono markabkan nooca diyaaradaha dagaalka xambaara ah oo lagu magacaabo Amphibious US oo lagu naanayo USS Peleliu.

Diblomaasiyiinta Itoobiyaanka ah, ayaa sheegay in Shiinuhu uu si qarsoodi ah u dhisayo markabka diyaaradaha dagaalka xambaara ee Itoobiya.

Markabkan, ayaa la dejin doonaa saldhigga ciidamada badda ee Itoobiya ee Somaliland, ka dib marka la dhammeeyo heshiiska is-afgaradka.

Haddii wax walba u dhacaan sidii loogu talagalay, Itoobiya waxay noqon doontaa mulkiilaha diyaaradaha xambaara 6 bilood ilaa sannad gudahood.

Kulliyada Dagaalka iyo Difaaca ee Itoobiya, ayaa awood siinaysa hoggaamiyeyaasha Millateriga dalkaasi, si ay u ogaadaan danaha juqraafiyeed ee waddanku ka leeyahay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Arrintan, ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda Itoobiya doonayso inay saldhig Ciidan ka samaysato badda Somaliland, ka dib marka la dhamaystiro heshiiska dhex maray labada dowladood.

HargeisaPress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here