Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah oo heshiis wada gaadhay

0
1527

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Urur siyaasaddeedka Kaah, ayaa waxaa ay maanta shir laba geesood ah ku yeesheen magaalada Hargeysa.

Shirkan oo daba socday kulamo ay labada dhinac hore u wada yeesheen, ayaa laga soo saaray lix qoddob oo ay ku heshiiyeen xisbiga Waddani iyo ururka Kaah.

Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah, ayaa hore waxa ay ugu heshiiyeen in ay u midoobaan sidii Somaliland isbeddel uga dhici lahaa, sida labada dhinac sheegeen.

Qoddobada ay ku heshiiyeen Kaah iyo Waddani

1. Ilaalinta kala madax-bannaanida iyo dimuqraadiyadda dhunacyada in labada garab uu mid kasti gaarkiisa u leeyahay xaqiisa.

2. Ilaalinta iyo jiritaanka qarannimada Somaliland.

3. In si wada jir ah looga wadashaqeeyo qabsoomidda doorashada isa-saaran ee Madaxtooyada iyo Ururrada iyo in laga hortago cidkasta oo doorashada carqaladeynaysa.

4. In ururka Kaah uu doorashada madaxtooyada uu taageero musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cali Aw Cabdi.

5. In Kaah wax laga siiyo dhismaha xukuumadda uu Waddani dhisayo marka uu guulaysto.

6. Dib u eegista dastuurka Somaliland iyo arrimaha saami qaybsiga korna loo qaado metaalada reer Awdal.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here