Itoobiya oo Maanta La Gaadhsiiyay Qalab Caafimaad Xilli Uu Cudurka Coronovirus Gaadhay 11 Kiis

0
1467

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Caafimaadka ee Itoobiya ayaa Axadii maanta shaaca ka qaaday inay xaqiijisay laba kiis oo kale oo ah COVID-19, taas oo tirada guud ee kiisaska ka dhigtay 11.

Dhinaca kale, Diyaarad xamuul ah oo siday 6 milyan oo shey oo qalabka caafimaad ah oo ay ka mid yihiin wajiga gashiga (Maaskaro), qalabka difaaca, iyo xidhmooyinka baadhitaanka ayaa gaadhay Ethiopia.

Raysal Wasaaraha Ethiopia, Aby Ahmed ayaa uga mahad celiyay qalabkan caafimaad oo ay ugu deeqday shirkadda ganacsiga internetka ee la yidhaahdo AlibabaGroup.

Shirkadda Alibaba oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa wadamada Afrika ee uu saameeyay cudurka Coranavirus u qeybindoonta malaayiin kamid ah qalabka caafimaadka ee ka hortagga cudurka.

Hargeisa Press Desk/Addis Ababa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here