Xanuunka COVID-19, Wacyi-galin Bulshada Dhexdeeda Ah oo Xoog Badan Ayuu Inooga Baahan Yahay

0
1441

Xanuunkani waa mid aad u halis badan oo marka la ga tago dhibta geerida ee uu sababi karo waxyeello ku ah nafsadda muwaaddiniinta, maceeshada, dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha iyo nolosha guud ee bulshada. Waa sidaa sida dal walba maanta loo dhegaysanayo dhakhaatiirta ee loo akhriyayo loo na daawanayo fariimaha caafimaadka.

Dhankeennu waa cadduur dhawdhawdu uma dhacsana. Waxa ii muuqata in aynaan sidaa u fahamsaneyn, waayo dadkeenna oo ah ummad dhaqankeedu hadal yahay weli ammuuro kale ayey ku foogan yihiin oo ay ka sheekaynayaan. Khatarta uu xanuunkani leeyahay waa in aynnu fahamno oo aynnu iska wacyi-galinno wax kale oo dhan na aynnu yareysanno ka hadalkooda wakhtigan, gaar ahaan siyaasadda inta ka baxsan caafimaadka iyo fayo-dhawrka.

Siyaasaddu waa noloshii oo dhan la ga na maarsan maayo ka hadalkeeda, laakiin aynnu xoogga saarno siyaasadda caafimaadka oo inta badan aan dhegaysanno dadkeenna dhakhaatiirta ah ee innoo ga cilmiga roon xanuunka. Dhakhaatiirta inta baraha bulshada isticmaasha fadlan hore u soo ruqaansada oo dadkiinna ka wacyi-galiya xanuunka COVID-19. Tusaale ahaan, sida uu u gudbo, sida la isaga ilaalin karo, cidda uu ku dhacaa waxa la gudboon ee ay yeeli karto I.w.m.

 

Qalinkii: Mohamed Omer Hagi Mohamoud

LEAVE A REPLY