Itoobiya oo Ciidamadii ugu badnaa u tababareysa Somaliland

0
5708

Tog-wajaale (Hargeisa Press)- Dowladda Somaliland, ayaa maanta waxaa ay ciidamadii ugu tirada badnaa ee ka tirsan Milateriga u dirtay dalka Itoobiya, si ay tababar ciidan ugu soo qaataan halkaasi.

Ciidamadan ka tirsan Milateriga Somaliland, ayaa waxaa xuduuda Somaliland iyo Itoobiya ku sii sabootiyay, Taliyaha Ciidamada qaranka Somaliland Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Tiradan ugu badan ee ciidamada Milateriga Somaliland, ayaa tababarkii ugu sareeyay ku qaadan doona dalka Itoobiya.

Sida la wada ogsoon yahay labada dowladood ee Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxay kala saxeexdeen heshiis is afgarad oo taariikhi ah.

Labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya xidhiidh taariikhi ah iyo saaxiibtinimo xooggan. Waxayna labada dal wadaagaan xudduudaha ugu dheer iyo xidhiidh adag.

Sidoo kale, labada dal waxay iska kaashan doonaan xuduudaha amniga, la dagaallanka argagixisada, kor u qaadista ganacsiga, qaybaha dhaqaalaha iyo danaha wadaagga ah.

Dowladda Itoobiya, ayaa waxa ay tobabar siisaa saraakiisha Ciidamada Somaliland, iyada oo sannadihii la soo dhaafay saraakiisha ciidamada Somaliland ay ka faa’iidaysteen tababbarka Itoobiya siiso.

Kulliyadda difaaca ugu sarreysa Itoobiya ee (Ethiopian Defence War College-DWC), ayaa tababarta heerarka istaraatiijiyadeed ee milateriga.

Kulliyada difaaca dagaalka ee Itoobiya, ayaa si buuxda u hawlgashay Oktoobar 2019, iyada oo ah machad cilmi-baadhiseed iyo istiraatijiyadeed ee ugu horreeya iyo heerka koowaad ee Itoobiya.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here