Itoobiya iyo Mandaqadda Badda-Cas ee Somaliland, dublamaasiyad qarniyo hore soo jiray

0
5631

Hargeysa (Hargeisa Press)- Mandaqadda Badda Cas taariikh ahaan waxa uu ahaa marin ganacsi oo weyn oo isku xidha gudaha Afrika oo ay ku jirto Itoobiya iyo guud ahaan caalamka. Xabashidii hore, gaar ahaan xilligii Boqortooyadii Aksumite (qarnigii 1-aad AD ilaa qarnigii 7aad ee AD), waxay xidhiidh xooggan la lahayd dekedaha ku teedsan badda cas, sida Adulis (Eritrea maanta u dhow) iyo kuwo kale oo bari ka sii xiga. Dekadahaasi waxay fududeeyeen ka ganacsiga dahabka, fool maroodiga iyo badeecadaha kale ee u dhexeeya Itoobiya iyo gobolada fog fog sida Hindiya, Faaris iyo Boqortooyadii Roomaanka.

Gelitaanka Itoobiya ee Badda Cas, ayaa muhiim u ahayd barwaaqada dhaqaale iyo saamaynteeda siyaasadeed. Xidhiidhkani waxa uu u sahashay Boqortooyadii Aksumite in ay u koraan sidii ilbaxnimo ganacsi oo wayn, isku xidhka khayraadka gudaha iyo isku xidhka ganacsiga badda ee badda cas iyo wixii ka baxsan.

Saamaynta islaamka iyo xidhiidhka xeebaha

Qarnigii 7aad, korarkii Islaamku ee Jaziirada Carabta, ayaa horseeday isdhexgalka sii kordhaya ee u dhexeeya ganacsatada Muslimiinta ah iyo Geeska Afrika. Gobollada xeebaha oo ay ka mid tahay Somaliland-ta maanta, waxa laga dhisay suldaanno muslimiin ah iyo magaalooyin ganacsi. Jaaliyadahaasi waxa ay xidhiidh dhaw la lahaayeen Jaziirada Carabta, halka Itoobiya oo inta badan Kiristaanka ku hadhay ay sii waday in ay xidhiidh ganacsi iyo mid dublamaasiyadeed la yeelato dalalka ay deriska yihiin ee Muslimiinta ah.

Qarniyo badan, Itoobiya waxay ku tiirsanayd xidhiidh nabadeed oo ay la yeelato siyaasadda Muslimiinta ee gobolka Badda Cas si ay u ilaaliso gelitaanka xeebaha iyo isku xidhka ganacsiga badda. Mararka qaar, tartanka saamaynta ee u dhexeeya Itoobiya Masiixiyiinta ah iyo Muslimiinta deriska la ah, oo ay ku jiraan Saldanada Adal (ee fadhigeedu yahay qaybo ka mid ah Somaliland iyo degaanka Soomaalida Itoobiya), ayaa horseeday isku dhacyo ciidan. Kuwa ugu caansan waxaa ka mid ahaa dagaalkii Itoobiya iyo Cadal ee qarnigii 16aad.

Saamayntii cusmaaniyiinta iyo reer Yurub

Qarnigii 16-aad iyo 17-aad, Boqortooyadii Cusmaaniyiintu waxay ku ballaadhisay saamaynteeda xeebaha Badda Cas, oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah Somaliland. Cusmaaniyiintu waxay doonayeen inay gacanta ku dhigaan marinnada ganacsiga iyo dekedaha muhiimka ah, taasoo saamayn ku yeelatay gelitaanka Itoobiya ee Badda Cas. Quwadaha reer Yurub oo uu ka mid yahay Bortuqiisku waxay sidoo kale ku lug lahaayeen gobolka, gaar ahaan markii ay isbahaysigoodii Itoobiya la galeen si ay uga hortagaan horu-marintii Cusmaaniyiinta iyo Muslimiinta.

In kasta oo culaysyadaas jira, Itoobiya waxay sii ahaan jirtay awood gobol oo muhiim ah. Qarnigii 19-aad, markii uu hankii gumaystaha reer Yurub ku soo kordhay Geeska Afrika, gobolka Badda Cas oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah Somaliland, ayaa noqday goob istaraatiiji ah oo muhiim u ah quwadaha Yurub sida Ingiriiska iyo Talyaaniga, taas oo sii murgisay xidhiidhkii Itoobiya iyo dalalka deriska la ah.

Waayaha casriga ah iyo isbeddellada juqraafiyeedka

Xilligan casriga ah, gaar ahaan dabayaaqadii 19-aad iyo horraantii qarniyadii 20-aad, Itoobiya waxay diiradda saartay sidii ay u ilaalin lahayd madaxbannaanideeda iyada oo ka hortagaysa gumaysigii reer Yurub. Taas waxa ka mid ahaa in ay difaacdo xuduudkeeda iyo in ay sugto gelitaanka badda cas iyada oo loo marayo isbahaysi iyo olole ciidan. Kor u kaca damacii isticmaarkii talyaanigu waxa uu horseeday in uu qabsado Eriteriya (oo ay ku jirto xeebta badda cas) ka dibna, Somaliland, gooyay in Itoobiya ay si toos ah u gasho badda.

Tobannaankii sano ee u dambeeyay, Itoobiya waxay isku dayday inay ilaaliso xidhiidh xasilloon oo ay la yeelato deriskeeda xeebaha ah oo ay ku jirto Somaliland, sababo istiraatijiyadeed iyo dhaqaale. In kasta oo Itoobiya wayday marinkii badda cas ka dib markii ay Ereteriya xorriyadda qaadatay 1993, waxay weli ku tiirsan tahay marin-u-helidda xeebaha iyada oo loo marayo waddamada jaarka ah sida Jabuuti iyo Soomaaliya (oo ay ku jirto Somaliland).

Somaliland oo ah dal madax banaan oo aqoonsi caalami ah ka raadsada dalka Itoobiya ayaa xidhiidh dhow la samaysatay dalka Itoobiya, gaar ahaan dhinaca ganacsiga iyo iskaashiga amniga.

Guud ahaan xidhiidhka taariikhiga ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo gobolka Badda Cas oo ay Somaliland ku jirto, waxa uu salka ku hayaa dhinaca ganacsiga, diblomaasiyadda iyo siyaasadda gobolka. Ku-tiirsanaanta labada dhinac ee waddooyinka ganacsiga iyo xasilloonida juqraafiyeed, ayaa qaabeeyay xidhiidhkan qarniyo badan.

Maanta xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland waxa uu qayb ka yahay istiraatijiyad ballaadhan oo ay ku ilaalinayso danaheeda dhaqaale iyo istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika, gaar ahaan marka la eego meeqaamka ay ku leedahay badda iyo baahida loo qabo helitaanka badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here