Israa’iil oo Shuruud Ku Xidhay Joojinta Duuqaynta Gaza

0
572
FILE PHOTO: A view shows houses and buildings destroyed by Israeli strikes in Gaza City, October 10, 2023. REUTERS/Mohammed Salem/File Photo

TEL AVIV (Hargeisa Press)- Israa’iil, ayaa Khamiista maanta ah ku qaaday weeraro cusub marinka Gaza, iyaga oo wacad ku maray inaanay dhimi doonin duqaymaha ay ka geysanayso dhulka ay maamulaan Xamaas, illaa ay kooxdaasi sii daynayso dadkii ay soo qafaasheen oo lagu qiyaasayo illaa 150 qof.

Wasiirka tamarta ee Israa’iil Katz, ayaa bartiisa X ee hore loogu yaqaanay Twitter ku sheegay, inaan wax koronto laga shidi doonin, wax biyo ah loo sii dayn doonin, isla markaana aan loo ogolaan doonin in gaadiidka shidaalka sidaa ay galaan, illaa laga sii daynayo dadka laga afduubtay gudaha Israa’iil. Wuxuu intaas ku daray “Bini’aadantinimo lagu bedesho bini’aadantinimo. ma jirto cid noo sharixi karta, qiyamkayaga”

Israa’iil, ayaa sheegtay inay isu diyaarinayso hawlgal dhinaca dhulka ah, hase ahaatee may sheegin xilli rasmi ah. Waxaana masuuliyiinta Israa’iil ay sheegayaan inay xuduuda Gaza ku diyaariyeen illaa 300,000 oo ka mida ciidamada kaydka ah.

Mareykanka, ayaa sheegay in illaa 27 ka mida muwaadiniintiisa in lagu dilay weerarkii Xamaas, halka 14 kalena la la’yahay.

Qaramada Midoobay, ayaa dhinaceeda sheegaysa in 340,000 oo qof oo Falastiiniyiin ahi inay ka barakaceen guryahooda ku yaalla Gaza, halkaas oo in ka badan 70% ka mid ahi ay gabbaad ka dhiganayaan dugsiyada Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here