Hargeysa, (HargeisaPress) —Isku shaandheyn iyo magacaabis masuuliyiin cusub oo kamid noqda wakhti xaadirkan Golaha Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa in mudo ah laga filayey dhinaca Xukuumada taas, oo la sheegay in marar badan dib loo dhigay ha ugu dambeyso bishii barakeysneyd ee Ramadaan wallow maalmahan dhaqdhaqaaqa usha lala dhex galayo Golaha Xukuumadu meelo badan dibada uga soo baxdey sida Xisbiga Kulmiye oo u tafa xaydan in raxan loogu daro deyrtan Golaha.
Inkastoo siweyn loogu dhegtaagayo isku shaandheynta kasoo socota Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo laakiin laga warsugayo inta bishu hor imaneyso shacabka Somaliland hadana waxa maalmihii u dambeeyay dibada usoo baxey hadalheynta arintan ku wajahan taas oo la sheegay, in uu horjoogsadey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, oo wakhti xaadirkan kamid ah shaqsiyaadka awooda badan ku leh Golaha Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,shakhsiyaad hogaanka Xisbiga Kulmiye kusoo darsadey liiska xubnaha Golaha Xukuumada ee isku shaandheyntan taas oo sabab u noqotey dib u dhaca ku yimid Xukuumada lasoo dhisayo oo todobaadkan dhegta lagu hayey.
Sikasta oo ay arimahani yihiin Bulshada Somaliland ayaa laba dhinac isha ku haysa labadaas oo dhinac oo ah hirdanka hoose ee mudooyinkan dambe u dhexeeya Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Wasiirka Madaxtooyadu sida ay ugu kala itaal roonaadaan isku shaandheynta la filayo iyo geesta kale oo ah saameynta Maxamuud Xaashi oo talaabadani kusoo beegmayso wakhti uu gudaha ugu jiro qasriga Madaxtooyada kaalintiisa xubnaha Siyaasiyiinta uu soo kordhiyo intii kadambeysay Wasiiradii is casiley ka dhex muuqashada kaalintii Xirsi ku lahaa isku shaandhemaha noocan oo kale ah.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP