Boqor iyo afartiisii xaas – W/Q. Mukhtaar Cabdi Biite

0
1090

Waa hore waxaa jiray; nin boqor ah oo qabay afar dumar ah.Xaaska afraad wuu jeclaa waanu ilaalinjiray, goor kastana wuu raali gelin jiray waxay u baahatana wuu u keeni jiray.

 

Xaaska saddexaadna wuu jeclaa balse waxay ka raaci jirtay dad kale.

Xaaska labaadna wuuxuu la tashan jiray waqtiga adag. Talooyin uu ku liibaanayna marar badan way u hidisay.

Xaaska koobaad wuu necbaa, muu daryeeli jirin, xaqay kulahaydna wuu iska indho tiri jiray, balse iyadu aadbay u jeclayd, had iyo jeer waxay ilaalin jirtay magaca iyo maalka boqorka. Hadday xurmayso oo ay si fiican ula dhaqanto, muu qiimayn jirin.

 

Wuxuu waqtigu is guraba Boqorkii wuu xanuunsaday, waxaanu ogaaday inay heddiisii soo dhawaatay, inta uu fikiray ayaa uu naftiisii ku yidhi: “ Waxaad leedahay afar xaas, maanta kelidaa tegikarimaysid qabriga ee waa inay midi ku raacdaa!“

 

Boqorkii ayaa u tagay gabadhii afraad oo ku yidhi: “waan kaa jeclaa xaasaska kalaan qabo ee maanta qabriga maad ii raaci?”

 

“wax dhacaya maaha taasi!” ayey ugu jawaabtay Gabadhii saddexaa ayuu u tagay, waxaanu ku yidhi: “waan ku jeclaa ee maanta qabriga ii raac oo wehel ii  noqo?”

 

“iska dhaaf inaan ku raacee markaad sidaa u dhimato waxaan guursanayaa nin kale” ayey ugu hal-celisay.

Ugu danabayn wuxuu u tagay gabadhii saddexaad, waxaanu ku yidhi: “runtii, adiga waan kula tashan jiray xilliga dhibi isoo food saarto, waxaad ahayd qof talooyinkeeda aan ku guulaystay oon jecelay ee qabriga ii raac oo wehel ii noqo?”

 

Xaaskii saddexaad waxay ku tidhi: “codsigaaga kuuma qaban karo ee waxa ugu yaraan kuu qaban karaa, waa inaan qabriga kuusii raaco dabadeedna kaasoo noqdo”

 

Boqorkii murugo ayuu wejigiisii isbeddelay, oo casaaday. Wuxuu qoomameeyey wanaaguu haweenka u galay. Boqorkii oo aan kobtii ka dhaqaaqin ayaa maqlay qoylo dheer. “anigaa ku raacaya oo wehel kuu noqonaya meel kastood tagayso”

 

Boqorkii ayaa eegay mise waa gabadhiisii koobaad. Waxaa ka muuqday foolkeeda daal iyo diif. Hugeedu wuu googo’naa. Qof la dayaco ayey ugu liidatay.

 

Boqorkii wuxuu ka tiiraanyooday siduu u dayacay, isagoo laabtiisa holac iyo halase ka baxayo ayuu ku yidhi: ”Waan ku dayacay adigoon u qalmin, waxaan kaa door biday dumar aad ka mudnayn wanaagga. Haddii waqtigu ahaan lahaa  mid soo noqda, waxaan ku daryeeli lahaa in ka badan intaan daryeelay dumarkayga kale”

 

Sidii ayaa boqorkii iyo xaaskiisu wehel isugu ahaayeen qabriga yar mugdiga iyo cidhiidhiga badan.

 

Akhriste aynu u nimaadno xaqiiqada. Ma ogtahay in qof kastaa qabo afar xaas.

Xaaska afraad waa: JIDHKAAGA oo adiga ayaa daryeela oo dherjiya xaalad kasta, jidhkaad jeclayd ee daryeeli jirtay wuu madhdhaa oo lud iyo lafba waad weydaa markaad dhimato.

 

Xaaska saddexaad waa: MAALKA aad haysato, maalinta aad dhimato waxaa la wareega oo dhaxla dad kale.

Xaaska labaadna waa: EHELKAAGA IYO SAAXIIBBADA, walow aynu waqti badan wada qaadanno haddana maalinta aad dhimato intay gurigaagii dhabta ahaa(qabriga) ku geeyaan ayey ku illoobaan.

 

Xaaskaag koobaad waa : RUUXDAADA, dadka badi wey illoobaan ruuxda iyo hagaajinteeda, waxay ka hor mariyaan jidhkooda.

 

Ruuxdaada dherji had iyo jeer si ay if iyo aakhiroba u guulaysato.

Jidhku wuxuu quutaa cuntada, halka ruuxdu quudato cibaada alle.

 

W.Q: Mukhtaar Cabdi Biite

E-mail: Mukhtaar717@gmail.com/Facebook: Mukhtaar abdi biite

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here