Maxkamadda Sare Ee Somaliland oo Laashay Waxka Bedel iyo Kaabis Lagu Sameeyey Xeerka Nidaamka Garsoorka

0
3337

Hargeisa (Hargeisa Press) — Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa laashay Kaabis iyo wax ka beddel lagu sameeyey Xeerka nidaamka garsoorka dalka, kaasoo ay cabasho ka soo gudbiyeen madaxda Maxkamaddaha Rafcaanku.

Sidaasi waxa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Maxkamadda sare ee Somaliland ,kaasoo u dhignaa sidan:-

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay 27/08/2020 u fadhiisatay go’aan ka gaadhista cabashada Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha Rafcaanada dalka JSL, taasi oo ay u soo gudbiyeen Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL taariikhdu markay ahayd 05/08/2020.

Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalku markay aragtay cabashada Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha Rafcaanada dalka JSL, ee nuxurkeedu yahay “ Cabasho dabaqid la’aan wax ka badalka iyo kaabista xeerka nidaamka Garsoorka xeer Lr.24/2020 ”, waxay si qoto dheer u daristay qodobada uu ka kooban yahay xeerku.

Maxkamadda Dastuuriga ahi waxa ay garwaaqsatay gal-daloolada ku jira xeerkan oo ay ka mid tahay in isagoo ah xeer wax ka badal iyo kaabis xeer hore u jiray, haddana la siiyay tilmaan iyo sumad (sannad cusub) lagana dhigay xeer cusub kaasi oo ah xeer lr.24/2020, halkii uu ka ahaa xeer lr. 24/2003, Maxkamadda waxa u soo baxday in xeerkan gabi ahaanba aan la dabaqi karin, qodobada uu ka kooban yahay awgii, kuwaasi oo habsami u socodkii shaqada Garsoorka ku abuuray jaha-wareer.

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland waxa u cadaatay in qodobada ku jira xeerkani ay ka hor imanayaan Dastuurka JSL, sida ku cad qodobka 6aad faqradiisa 1aad oo siinaya awoodii Garsoorka cid kale kana hor imanaysa qodobka 97aad, faqradiisa 1aad ee Dastuurka JSL, waxa kale oo Maxkamadda u cadaatay in xeerkani ka hor imanayo xeerarka dhaqan-galka ah ee JSL sida xeerka madaniga, xeerka habka madaniga, xeerka ciqaabta guud, xeerka habka ciqaabta, xeerka garsooka caruurta iyo xeerka shaqaalaha dawladda, geesta kale waxa Maxkamadda u cadaatay in xeerkani macno tiray habsami u socodkii shaqada Garsoorka, nuxurkii erey-bixinta shuruucda ee Garsoorku ku shaqaynayay, taasi oo ay ka mid tahay “Garsoore tababare ah” oo ku xusan qodobka 67aad iyo in xeerkani gabi ahaanba meesha ka saarayo xeerarkii kale ee dhaqan galka ahaa ee uu Garsoorku ku shaqaynayay, taasi oo ku cad qodobka 96aad.

Qodobada dhantaalaya xeerkan waxa ka mid ah qodobka 13aad faqradiisa 3aad oo jidaynaya in xukunka soo saarista lagu saleeyo xukun hore Maxkamad uga soo baxay oo la mid ah, qodobkaasi waxa uu khilaafayaa qodobka 38aad, faqradiisa koobaad oo sheegaya in awooda xeer-dejinta JSL ay gaar u tahay Baarlamaanka oo ka kooban laba gole oo kala ah Wakiilada iyo Guurtida.

Maxkamaddu markay aragtay qodobada 97, 98 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, daristayna dhammaan asbaabaha sare ku xusan ee ku saabsan xeer Lr. 24/2020, waxa ay soo saartay qaraarkan soo socda
Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL.

1.Waxa ay aqbashay codsiga Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha Rafcaanada Dalka JSL ay u soo gudbiyeen Maxkamadda Dastuuriga ah, ee ku taariikhaysan 05/08/2020.

2.Waxa ay laashay gabi ahaanba wax ka badalka iyo kaabista xeerka nidaamka garsoorka xeer Lr.24/2020, maadaama oo uu ka hor yimid Dastuurka JSL iyo xeerarkii kale ee dalka JSL.

3.Waxa dhaqan gal ah xeerkii hore ee nidaamka Garsoorka JSL, ee hore loogu dhaqmi jiray, illaa inta uu badalayo xeer kale oo Dastuurka JSL waafaqsan.
4.Qaraarkani wuxuu soo baxay 27/08/2020.

LEAVE A REPLY