Inta Badan Dunida Muslimka Ah oo Maanta Laga Ciiday

0
1231

Riyadh (HargeisaPress)- Inta badan dalalka Islaamka ayaa maanta waxaa u billowday dabbaal-degga maalinta 1-aad ee Ciidul-Fitriga, kaddib markii ay shalay buuxiyeen 30-ka bishii Ramadan.

Dalalka Carabta oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa maanta laga ciiday, inkastoo uu ciiddan carqaladeeyay cudurka Coronavirus.

Waxaa iyana laga ciiday dalalka Turkey, Pakistan, Indonesia, Malaysia, Iran, India iyo kuwa kale.

Sidoo kale, inta badan Muslimiinta ku nool America, Canada iyo Australia ayaa maanta u dabbaal-degay maalinta koowaad ee Ciiddul Firtriga.

Sabtidii shalay ayaa waxaa laga ciiday dalalka Somaliland, Soomaaliya, Ethiopia, Tanzania, Kenya, Mali, Mauritania, Senegal iyo Morocco iyo qaar ka mid ah muslimiinta ku nool dalal ku yaalla Yurub iyo waqooyiga America.

Ciidan ayaa aad uga duwanaatay kuwii hore, sababtoo ah inta badan muslimiinta ayaanan salaadda ciidda ku oogin masaajidadda, sababo la xidhiidha cudurka Covid-19 oo caalamka fara ba’an ku haya.

VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here