Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo Eedaymo Culus U Jeediyay Wasiiro Nabadayn U Jooga Fadhigaab

0
3430

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale oo ka mid ah Madax-dhaqameedka gobolka Sanaag ayaa eedaymo u jeediyay Wasiiro deegaanka Fadhigaab u jooga nabadaynta laba beelood.

Suldaanka ayaa wasiiradaas ku eedeeyay inay carqalad ku yihiin nabad waarta oo lago gaadho colaada beelahaasi.

Deegaanka iyo Ceel-afweyn iyo deegaanada kale ee hoos yimaada waxaa ku soo noq noqda colaado dad badani ku naf waayeen oo uu dhexeeya labo beelood oo halkaasi wada dega.

Sidoo kale, Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale ayaa shaaciyay inay ku dhawaaqeen xabad joojin laga gaadho colaada deegaanka Fadhigaab, isagoona baaq u diray beelaha wada dega halkaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here