In Ka Baddan 50 Qof oo Loo-Xidhay Rabshado Ka Dhacay Ceerigaabo

0
1327
Ceergaabo (Hargeisa Press)- Maamulka gobolka Sanaag, ayaa ka hadlay arrimaha xasiloonida iyo amniga gobolka, gaar ahaan magaalada Ceergaabo, kaddib rabshado ka dhacay gobolka.

In ka baddan 50 qof, ayaa loo xidhay rabshadahaa oo ay ciidamada amaanka Somaliland ee ku sugan gobolka ku guulaysteen innay xakameeyaan, laakiin waxa jira warar si hoose u heshay Shabakada HargeisaPress oo sheegaya in dadka aannay intooda baddani ahayn kuwii waday rabshadaha.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse (ina Is-deber) oo ay hareera fadhiyaan Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag iyo Maayarka Ceergaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, waxay dhammaantood sheegeen in la fashiliyay qorshe la doonayay in amniga iyo xasiloonida Gobolka, gaar ahaan Magaalada Ceergaabo lagu wiiqo.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Axmed Muuse, ayaa sheegay in Ceergaabo ka soo gudubtay oo ka badbaaday, isla markaana aan loo baahnayn wax lagu kala qaybiyo bulshada Gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Ceergaabo.

“Taliska Booliska Gobolka waxaan ku hanbalyaynaynaa hawshii ay qabteen ee ay heeganka ugu jireen saddexdii habeen ee u danbeeyay, waana ku jiraynaa heegankaa” ayuu yidhi.

Guddoomiye Is-deber, wuxuu sheegay in aannay nolloshu kala qaybinayn Bulshada gobolka, isagoo si gaar ah farriin ugu diraya dadweynaha Ceergaabo, wuxuu yidhi, “Waad ogtihiin duruufo baddan oo aynu kasoo gudubnay, nolloshu inama kala qaybinayso, dadka reer Ceergabo waa kuwo nolloshooda u tashaday, maaha meel Youtuber-ku hoggaamiyaan, waxaan leeyahay Bulshada waa innaynu meel uga soo wada jeesanaa amniga iyo innaynu nollosheena ilaashano, mana jirto cid kala qaybin kartaa iyo cid caadifad ku abuuri kartaa.”

Maxaabiista la qabtay, ayuu sheegay in sharciga la hor geynayo, isla markaana aannay jirin cid fasax u haysta innay Magaalada ka samayso rabshado iyo waxyaabo amniga lagu khal-khalinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here