Mo Farah oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Gabiley

0
4348

Gabiley (Hargeisa Press)- Orodyahanka caanka ee Mo Farah ee u ordi jiray dalka Ingiriiska, ayaa maanta gaadhay magaalada Gabiley, iyadoona halkaasi si balaadhan loogu soo dhaweeyay.

Orodyahan Mo Farah, ayaa waxaa magaalada Gabiley ku soo dhaweeyay Maamulka gobolka Gabiley iyo ka degmada oo uu horkacayo Maayarka magaaladaasi Maxamed Aamiin Cumar Cabdi, iyo sidoo kale dadweynaha magaaladaasi.

Mo Farah oo soo dhawayntiisa kadib hadlay, ayaa u mahadciyay Maamulka gobolka Gabiley iyo dadweynihii kala duwanaa ee soo dhaweeyay, isagoona sheegay inuu ku faraxsan tahay inuu markale booqasho ku yimaado magaaladiisii uu ka soo jeeday.

Orodyahanka Mo Farah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa gebi ahaanba ka fadhiistay tartanka orodada adduunka, isagoo afar jeer ku guulaystay orodka Olimbikada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here