Ilhaan Cumar oo Dalab Ka Dhan Ah Netanyahu U Dirtay Shacabka Israa’iil

0
559

Washigton (Hargeisa Press)- Xildhibaanka Aqalka Congress-ka Maraykanka, Ilhaan Cumar, ayaa dadka reer Israa’iil ugu baaqday in ay ka codeeyaan Ra’isal wasaaraha dalkaas Benjamin Netanyahu oo wajahaya doorasho si adag loogu loolami doono.

Ilhaan ayaa hadalkan ka sheegtay waraysi ay siisay taleefishinka CBS.

Israa’iil waxaa ka dhacaysa doorasho muddo 5 bilood gudahood ah, taas oo uu musharixiinta u taagan ka mid yahay Ra’isal wasaaraha hadda xilka haya, Netanyahu iyo musharrixiin kale.

Doorashadan ayaa la qabanayaa ka dib markii uu ku guuldareystay doorashadii April ee uu ku waayay codka aqlabiyadda ee xukuumad uu ku soo dhisi lahaa.

“Waxaan hubaa in shacabka Israa’iil ay samayn doonaan go’aan kuwii hore ka duwan, waxaanan u malaynayaa in ay fahmi doonaan jiritaankiisa iyo siyaasadihiisa in ay yihiin kuwa is burinaya, kana hor imanaya nabadda,” ayay waraysiga ku tidhi Ilhaan Cumar.

“Dhul kale oo laga qaato Falastiin wuxuu sii xumeynayaa xaaladda wadahadallada”, ayay tidhi Ilhaan oo ka jawaabeysay su’aal laga weydiiyay ballanqaadkii dhowaan ee Netanyahu uu ku sheegay in uu ku balaadhin doono xuduudaha Israa’iil.

Waxay sheegtay in sida kaliya ee lagu cadaadin karo Israa’iil, looguna qasbi karo tubta nabadda in ay tahay in “aanan la maalgashan iyo in la mamnuuco iibsiga nadeecooyinkooda”.

Bishii la soo dhaafay, Ilhaan ayaa loo diiday in ay gasho Israa’iil, waxayna tan timid ka dib markii madaxweyne Trump uu degelgiisa Twitter-ka ku qoray in ay tahay astaan daciifnimo haddii Israa’iil ogolaato in ay Ilhaan gasho dalkaas.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here