“Garoonkan Alamzey Stadium Lacagta gashay waa $300,000 wuuna dhamaystiran yahay”…

0
1043

Burco (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo safar shaqo ku joogay gobolka Togdheer ayaa  xadhiga ka jaray garoonka Kubbadda cagta ee Alamzey stadium oo si weyn loo casriyeeyay.

Garoonka Alamzey stadium ayaa lagu goglay Roogga cagaaran waxaana ku baxay kharash lacageed oo dhan $300, 000 kun oo dollar, taasoo ay bixisay xukuumadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Boose Mirre Maxamed, oo madaxweynaha sharaxaad ka siiyay kharashka ku baxay dib u habaynta garoonka Alamzey stadium ayaa  ugu mahad celiyay masuuliyiintii sida weyn uga qayb qaatay intii dhismaha garoonku socday.

Wasiir Boos, oo faahfaahin ka bixinayay qadarka lacageed gashay garoonka, waxa uu yidhi “Madaxweyne, reer Burco oo dhan aad iyo aad ayay kuugu mahad naqayaan.

Garoonka Roogiisa lacagtiisu waxay ahayd $170,000 (boqol iyo todobaatan kun) oo dollar. $52 kun-na waxaa la geliyay dhismaha. $60 kun-na waxaa lagu dhigay Roogga laftiisa.

Lacagta gashay waa $300,000 (saddex boqol oo kun) oo dollar.  Kuwoo dhawoow madaxweyne, maanta wuu dhamaystiran yahay, waanad noo furaysaa”.

Wasiirka ciyaaraha ayaa u mahad celiyay badhasaabka Togdheer, maayarka Burco iyo xildhibaan Mubaarig Bidhi oo uu ku tilmaamay in uu yahay ruuxda dhabta ah ee ciyaaraha gobolka.

“Halkan waxaan uga mahad naqayaa badhasaabka iyo maayarka iyo ninka la yidhaahdo xildhibaan Mubaarig Bidhi, oo isna aad iyo aad uga shaqeeyay. Waana ruuxda (Spirit-ka) ciyaaraha”ayuu yidhi wasiir Boos Mire.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo hadal ka jeediyay markii uu xadhiga ka jarayay garoonka Alamzey stadium ayaa sheegay in uu rejaynayo in garoonku uu keeno horumar dhanka ciyaaraha ah.

Waxaanu fariin u diray ciyaartooyadda iyo bahda ciyaaraha oo uu kula dar-daarmay in looga baahan yahay sidii ay u noqon lahaayeen ciyaaryahano caalamka caan ka ah, isla markaana magaca Somaliland ay caalamka u iib geeyaan.

Madaxweynaha oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Garoonkani wuu inoo dhismay, wuuna qurux badan yahay. Insha ALLAAHu horumar ciyaaraha ah ayaanu keeni doonaa. Ciyaartooyga iyo dhalinyaradda mid baan ka doonayaa! Ciyaaraha marka la ciyaarro, maanta waxa caalamka magaca soo hooyaa, waa ciyaartooyda.

Ictiraafkan ay ku waasheen odayaasha iyo siyaasiyiintu, ee dhan walba loola cararayo iyo Somaliland tan la doonayo in la hirgeliyo, Moh Faarax inta uu hirgeliyay oo qudha ayaan wax loo dhigaa jirin.

Bal ka warama, haddii aan helno, toban ama shan iyo taban nin oo kubbadda ciyaara oo Somaliland la yidhaahdo, oo caalamku qaato, oo meel walba taga”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Mid kale-na waan idinka doonayaa qoladiina dhalinyaradda ah, dhaqanka aan imika ku jirno, ee xaafad-xaafadda ah waa in aad baabiisaan. Haddii kale ciyaartooy noqon maysaan”ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale waxaa halkaas hadal ka jeediyay wasiirka degaanka iyo horumarinta reer miyiga Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxaanay tilmaantay in ay farxad u tahay dhalinyaradda Togdheer.

Wasiir Shukri, ayaa ku amaantay madaxweynaha sida qiimaha leh ee uu ugu dedaalay in garoonka Alamzey stadium casriyayn lagu sameeyo.

“Maanta farxad ayay u tahay dhalinyaradda Togdheer, garoonkaa quruxda badan ee loo dhisay, waxaynu ugu mahad celinaynaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo wasiirka ciyaaraha iyo bahdiisa oo dhan”ayay tidhi wasiirka degaanka.

Geesta kale badhasaabka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in bulshadda gobolka oo isku dhan ay madaxweynaha uga mahad celinayaan in garoonkii ugu casrisanaa Somaliland loo dhiso.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa intii uu Burco ku sugnaa waxaa kormeeray mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyay magaaladda Burco.

Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen xarunta dawladda hoose ee Burco oo dhismeyaal cusub lagu kordhiyey, hool weyn oo loo dhisay xarunta taliska ciidanka qaranka ee gobolka Togdheer.

Dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey Cusbitaalka ciidanka booliska ee xarunta taliska gobolka Togdheer iyo dhismeyaal casri ah oo lagu kordhiyey Huteel Kaafi ee magaalada Burco.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here