Hoggaanka Ururka Al-shabaab oo Baaq U Diray Dhallinyarada Ajaaniibta Ah

0
868

Muqdisho (Hargeisa Press) – Ururka Al-Shabaab, ayaa baahiyay muuqaal ay hoggaanka ururkaas ugu baaqayaan dhallinyarada ajaaniibta ah ee jihaad doonka ah inay u soo haajiraan Soomaaliya, si ay uga qayb galaan jihaadka ka socda.

Muuqaalka Al-Shabaab, ayaa laguna amaanay ajaanibtii hore uga garab dagaalamay xarakada ee ka yimid dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaan Yurub, wuxuuna muuqaalku ku baxay afar luuqad oo kala ah; Somali, Carabi, English iyo Swahili.

Iyadoon aan la ogayn xilliga muuqaalkan la duubayay iyo goobta lagu duubay, ayaa waxaa haddana ka muuqda dagaalyahano ajnabi ah oo tababar ay u soo xidhayaan Amiir ku-xigeenka Al-Shabaab Mahad Karate iyo hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab ee Kenya Ahmed Imam, iyadoona ay Dhallinyaradaasi tababarka loo soo xidhay ay ka yimaadeen dalka Kenya.

Muuqaalka Al-Shabaab, ayaa ujeedkiisu ahaa olole lagu doonayo in lagu soo jiito dhallinyarro cusub oo dibadda kaga soo biirta ururka, waxaana Mahad Karate iyo Ahmed Iman ay ugu baaqeen dhallinyarrada caalamka ee Muslimiinta ah inay ku soo biiraan jihaadka ka socda Soomaaliya.

Ololahan waxaa kale oo qayb ka ah baaqyo ay dirayaan dhallinyaro ajinabi ah, oo dhallinyarada kale ee caalamka ugu baaqaya kuna dhiiri-gelinaya inay Soomaaliya yimaadaan, iyaga oo sheegaya inay nolol fiican ku haystaan gudaha Soomaaliya.

Ajaaniibta ugu badan ee Al-Shabaab ka barbar dagaalama xilligan waa muhaajiriinta Kenyan-ka kasoo jeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here