Duqeymaha Qaza oo Maalintii Shanaad Galay

0
934

Qaza (Hargeisa Press) – Milatariga Israa’iil, ayaa xoojiyay weerarada ay ka wadaan Marinka Qaza iyadoo dagaalyahanadda Falastiiniyiintana ay iyaguna sii wadaan inay gantaallo ku tuuraan dhinaca Israa’iil.

Dagaalka Qaza, ayaa galay maalintii shanaad oo xidhiidh ah. Israa’iil waxay sheegtay in Ciidamadeeda Cirka iyo kuwa dhulka ay qayb ka ahaayeen weeraradii dhacay, balse ciidammadooda ayna gudaha u gelin Qaza.

Wararka, ayaa waxaa ay sheegayaan in magaallada ay ku socdaan duqaymo xooggan oo loo adeegsanayo noocyada kala duwan ee diyaaradaha dagaalka.

Ilaa iyo hadda 100 qof ayaa lagu dilay Qasa, 7 qofna dhinaca Israa’iil tan iyo markii ay billowdeen dagaallada Isniintii.

Warbixin laga soo xigtay goobaha caafimaadka, ayaa sidoo kale sheegaysa in markii horeba goobaha caafimaadka ay la ciirayeen dadka uu soo ritay xanuunka Covid19 haddana la dhigay dad dhaawac ah.

Waxaa dhinaca kale jira weerarro jawaab ah oo  oo ay Xamas ay ku tuurayaan caasimada Israel iyadoo kii ugu danbeeyay uu ku dhacay dhisme ganacsi oo ku yaalla caasimadda Tel Aviv, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen shan Israa’iiliyiin ah, sida ay sheegeen booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here