Hogaamiyihii Afgambiga dalka Burkina Faso Jen. Gilbert Diendere oo la Xidhay + SAWIRRO

0
821

Ouagadougou, (HargeisaPress) — Hoggaamiyaha Af-gambigii Fashilmay ee Bishii hore ka dhacay Waddanka Burkina Faso, Jen. Gilbert Diendere ayaa la xidhay, sida ay u sheegeen warbaahinta saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha Amaanka Burkina Faso.

Jen_Diendere_Bukina_Faso (5)

Wararka hore ayaa sheegayay in Jen. Diendere oo ahaa ilaalada Madaxtooyada dalkaas ee Afgambiga sameeyay uu goor sii horreysay si magan-galyo-doon ah uu u galay dhismaha Wakiilka Baadariga Diinta Masiixiga uu Caasimadda dalkaas ee Ouagadougou ku leeyahay.

Madaxweynihii KMG-ka ahaa ee la Inqilaabay, Michel Kafando ayaa xukunka dib loogu Xukunka Toddobaadkii lasoo Dhaafay, kaddib Fara-gelin ay Xiisadaha ka taagan dalkaas ku sameyeen Hoggaamiyeyaasha dallaka Galbeedka Afrika.

Jen_Diendere_Bukina_Faso (6)

“Jen. Diendere Haatan waxaa lagu soo Wareejiyay Gacanta Xukuumadda,” ayaa waxaa u Sheegay Wakaaladda Wararka Reuters Saraakiil Dhanka Amniga ah oo ku sugan Ouagadougou. Balse warkan ku saabsan in Jen. Diendere Xukuumadda Burkina Faso lagu soo wareejiyay ayaan weli ahayn mid cad.

Sidoo kale, Toddobaadkii hore ayaa xayiraad lagu soo rogay hantida Jen. Gilbert Diendere iyo 13 xubnood oo kale oo looga haysto Af-gambigii ka dhacay Burkina Faso, inkastoo aan magacyadooda la shaacin.

Faso, Jen. Gilbert Diendere
                                                               Jen. Gilbert Diendere

Dhanka kale, Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrada Madaxweyne Kafando ayaa lagu go’aamiyay in la kala diro ilaalada madaxtooyada dalkaas oo ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay iyo wasiirkii amnga dalkaas.

Ciidamada Ilaalada madaxtooyada Burkina Faso ayaa waxay ka kooban yihiin 1,200 oo askari oo aad u tababaran, kuwaasoo daacad u ahaa madaxweynihii hore ee dalkaas xukumayay 27-ka dano Compaore oo sannadkii hore la eryay.

Jen_Diendere_Bukina_Faso (7)

Ugu dambeyn, 10-qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen dibadbaxyadii ka dhacay dalkaas wixii ka dabmeeyay Afgambigii dhicisoobay; iyadoo ay 100 qof oo kalena ku dhaawacmeen.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here