Hogaamiye Xirsi iyo Maxamuud Xaashi oo Ka Wada-hadley Mustaqbalkooda Siyaasadeed

0
3534

Hargeisa (Hargeisa Press) – Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyada xukuumadii Siilaanyo, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa.

Labada siyaasi ayaan Warbaahinta u faahfaahin waxyaabaha ay ka wadahadleen marka laga reebo in ay ogolaadeen in Sawiro laga qaado.

Kulanka waxa kale oo goob joog ka ahaa siyaasi Cali Siciid Raygal, oo wasiir ka soo noqday xukuumaddii Siilaanyo.

Warar hoose oo ay helayso Hargeisapress ayaa sheegaya in labada siyaasi ka wadahadleen mustaqbalkooda siyaasadeed iyo in ay isku aragti noqdaan.

Sadexdan siyaasi ee Maxamuud Xaashi, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Cali Siciid Raygal ayaa isku deegaan ka soo jeeda.

Maxamuud Xaashi oo hore u shaaciyay in uu u tartamayo jagada Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa dhowaan eedaymo u jeediyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoona ku eedeeyay in uu u afduuban yahay xisbiga Kulmiye.

Warar hoose ayaa sheegaya in Xirsi Cali Xaaji Xasan uu isna doonayo in lagu wareejiyo jagada guddoomiyaha xisbiga Waddani.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here