“Waa denbi qaran haddii maamulka cusbitaalka Burco iibiyay haamihii Oxygenta”…

0
1655

Hargaysa (Hargeisa Press): Guddiga heer qaran ee la tacaalida xanuunka Covid-19 ee Somaliland ayaa ka hadlay warar maalmahan soo baxayay oo sheegayay in agaasimaha cusbitaalka Burco uu iibiyay qaybo ka mids qalabka lagula tacaalo Coronavirus. tacaalidda
Xoghayaha guddigaasi Eng. Xuseen Aadan Cige (Dayr) ayaa arrintaasi ku tilmaamay denbi qaran oo uu ku kacay agaasimaha custitaalka Burco.
Xuseen Dayr, oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargaysa waxa uu sheegay in iibinta qalabkaasi ay awood u leedahay wasaaradda caafimaadka oo keliya.
Haddii loo maro dariiq sharci ah, balse aanu agaasimaha cusbitaalka Burco shaqsiyan isagu u iibin karin.
Geesta kale Xuseen Dayr, waxa uu sheegay in xukuumaddu ay samaysay dedaalo badan oo lagula tacaalayo xanuunka Covid-19.
Isagoona xusay in 3 bilood ee u danbeeyay ay xukuumadu la qaaday dedaalo ku aadan sidii dadka looga bad-baadin lahaa xanunkasi.

Daawo: Eng. Xuseen Dayr Oo Arrimahaa Ka Hadlaya:


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY