Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo Sadex Wasaaraddood Ku Wareejiyey Qalab Casri Ah

0
1649

Hargeisa (Hargeisa Press) – Hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland ayaa qalab Electronic ah ku wareejisay wasaaradaha Cadaaladda, Qorshaynta iyo Gaashaandhigga kaas oo loogu tala galay Tayaynta waaxyaha cududa shaqaalaha, ee Qorshaynta iyo Kaydka ee wasaaradahaasi.

Wareejinta qalabkaasi waxa kasoo qayb galay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda, masuuliyiin ka kala socotay wasaaradaahi iyo madaxda mashruuca dibu habaynta shaqaalaha ee baanka adduunka.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe ayaa ku tilmaamay inay saddexda wasaaradood ee qalabkaasi lagu wareejinayo inay noqdeen kuwo fuliyay siyaasadaha habraacyada 16-ka ah ee shaqaalaha sidoo kalena fuliyay qaabkii ay dajisay hay’adda shaqaalaha dawladda.

Waxaanu sheegay inay wasaarado kale hore u siiyeen qalabkan isagoo xusay in qalabkani door wayn ka qaadanayo kaydinta xogta shaqaalaha.

Mashruuca ayaa waxaa maalgaliyay Baanka Adduunka oo ay u xilsaaran tahay hay’adda shaqaalaha dowladdu.

Cabdisalaan Muuse oo ka socday mashruuca dibu habaynta Shaqaalaha dowladda ee baanka adduunka ayaa sheegay inuu qalabkaasi dhamaa 15 Koombiyuter, Birintarada oo 6-xabo ah Haadh dhiskyada oo 8- ah iyo Video Konfereska oo ah hal xabo, iyo sidoo kale qalab dhamaystiran oo xagga Farniijarka xafiisyada ah.

Agaasimaha cududa shaqaalaha ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mamxamuud Cabdiqaadir oo ku hadlayay afka wasaaradaha qalabka la siiyay ayaa u mahad celiyay hay’adda shaqaalaha dawladda isla markaana sheegay inay waxtar badan u leeyihiin qalabkaasi lagu wareejiyay.

LEAVE A REPLY