Gabiley: D/H Oo Bilawday Hawl Gal Magaaladda Lagaga Saarayo Xoolaha

0
771
Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,ahna Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi

Gabiley (Hargeisa Press): Maanta oo ay bisha September tahay 15 sanadka 2020 waxaa ku eg go’aanka wakhtiga kama danvaysta ah ee ay dawladda hoose ee Gabiley in xoolaha lagaga saaro magaaladda gudaheedda.

Kadib markii 22-kii Jully ee sanadkan fadhi ay yeesheen golaha deegaanka Gabiley ay ku go’aamiyeen in geni ahaanba la mamnuuco xoolaha nool ee suuqyadda maagaladda jooga.

Waxaanay saaka dawladda hoose ee Gabiley bilawday hawl gal xoolaha lagaga saarayo gudaha maagaladda.

Hawl galkaasi xoolaha lagaga saraayo gudaha magaaladda waxaa soo kormeeray maayarka Gabiley oo uu wehelinayay badhasaabka gobolka iyo masuuliyiin kale.

Daawo: Maayarka iyo badhasaabka oo Hawl galkaasi ka warbixinaya:


Hargeisa Press/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here