Hay’adda Camuud Foundation Oo Qoysas Xoolo Ugu Qaybisay Baki

0
1038

Baki (Hargeisa Press.com): Hay’adda samafalka ee Camuud Foundation ayaa maanta deeq xoolo nool ah gaadhsiisay qoysas  ka mid ahaa dadkii ay xoolahoodii kaga baxeen duufaantii Sagar ee horaantii sanadkan ka dhacday gobolka Awdal.

Xoolahan oo ay tiradoodu dhamayd 300 oo neef ayaa loo qaybiyay 30 qoys oo ka mida dadka ku nool degmadda Baki ee gobolka Awdal. Iyadoo qoys kasta la siiyay 10 neef oo Adhi ah.

Qaybinta xoolahaasi waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha guud ee hay’adda Camuud Foundation Maxamuud Faarax Cigaal, iyo masuuliyiin kaloo ka tirsan madaxda hay’adaasi.

Halkan Ka Daawo Qaybinta Xoolaha:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here