Cusbitaalka Saylac Oo U Xidhan Daawo iyo Shaqaale La’aan

0
1159

Hargaysa (Hargeisa Press): Siyaasiyiin, xildhibaano iyo aqoon yahano ka soo jeedda gobolka Selel ayaa ka dayriyay adeegyadda nolosha bulshadda aasaasiga u ah ee gobolkaasi gaar ahaana caafimaadka oo ay sheegeen in ay meel xun marayso.

Waxaanay masuuliyiintaasi ugu baaqeen xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda caafimaadka in ay wax ka qabato cusbitaal weyn oo laga dhisay  magaaladda Saylac oo u xidhan daawo la’aan iyo shaqaale la’aan.

Masuuliyiintaasi oo kala ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda dhalinyaradda iyo cayaaraha xukuumadii Siilaanyo C/rasaaq Waaberi Rooble iyo xildhibaan Axmed Aadan Bille (geesh), oo ka tirsan golaha degaanka Saylac oo ay wehelinayeen aqoon yahano ka soo jeedda gobolka Selel,  oo maanta warbaahinta kula hadlay  magaaladda Hargaysa, ayaa ka dayriyay xaaladda nololeed ee gobolkaasi oo ay sheegeen in aanay ka jirin adeegyadda bulshadda gaar ahaana caafimaadka.

C/rasaaq Waaberi Rooble, oo ka hadlayay dhibaatadda wakhtigan la joogo ka taagan gobolka Selel gaar ahaana dhinaca caafimaadka waxa uu sheegay in dadka magaaladda Saylac ku nool ay dhibaato weyni ka haysato xagga caafimaadka, iyadoo magaaladda Saylac uu ku yaallo cusbitaal weyn oo casri ah oo ay dhiseen qurbejoogta gobolkaas ka soo jeedda.

Hase yeeshee cusbitaalkaasi aanay weli gaynin wasaaradda caafimaadku wax qalab, daawo iyo shaqaale ah, isla  markaana qofkii Saylac ku xanuudsadda loo qaado Jabuuti, Boorama ama magaaladda Diridhaba. “Cusbitaalkaasi waa mid dhamaystiran oo wax walba loo keenay, xataa Unbalance-kii.

Waxaanu wasaaradda caafimaadka ka codsanaynaa, cusbitaalkaasi mid gaar loo leeyahay ma aha (private), mid qof dhisay na  ma aha, balse waa mid bulshadda qurbejoogta ah ee degaankaasi ka soo jeedaa ay u dhiseen dadka in loogu shaqeeyo. Waana cusbitaal ku filan dadka.

Qofkii  ka xanuunsada Saylac na waa la soo qaadaa, oo ama Boorama ayaa la keenaa,  ama Diridhaba ayaa la geeyaa, ama Jabuuti ayaa la geeyaa.

Cusbitaal weyn, oo si fiican loo dhisay, oo kharash gaadhaya ilaa 200  kun oo Dollar ah ayaa la geliyay,  qalabkii ayaa u dheera. Wax ka maqani ma jiraan cusbitaalkaasi”ayuu yidhi C/rasaaq Waaberi Rooble.

Sidoo kale C/rasaaq Waaberi, ayaa ugu baaqay wasaaradda caafimaadka Somaliland in ay la wareegto masuuliyadda cusbitaalkaasi, isla markaana u keento shaqaalihii iyo daawadiiba si bulshadda loogu adeego.

Isagoo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi “Wasaaradda caafimaadka waxaanu ka codsanaynaa, in ay masuuliyadda cusbitaalkaasi la wareegto, shaqaalihii ay gayso, wixii ka dhima na ay u keento, oo ay furto, dadka na loogu adeego”.

Geesta kale C/rasaaq Waaberi Rooble, ayaa ku dhaliilay hay’adda world Vision ooh ore gacanta ugu hayn jirtay cusbitaalka Saylac in cusbitaalkii cusbaa ee la dhisay ay ku daawanayso dadka qaba xanuunka TB-da.

Waxaanu sheegay in aanay isku gelaynin daawaynta TB-da ee World Vision iyo in cusbitaalkaasi loogu adeego bukaanadda kale, sidaas darteed na hay’adaasi ay meel kale ku daawayso dadka qaba TB-da.

Waxaanu yidhi “Waxaan ka xunnahay, hay’adda World Vision la yidhaahdo in dhakhaatiir TB-da qaabilsan ay gaysay, oo ay dad ku daawaysay.  Waxaan leeyahay iskuma gelayaan dhakhaatiirtaas iyo cusbitaalkaasi. Hay’adaasi meeshii kale ee ay cusbitaal TB ah dadka uga furayso, waa loo baahan yahay in dadka laga daaweeyo  TB-da, laakiin meeshii ku haboon hala geeyo ayaan soo jeedinayaa”.

Dhinaca kale xildhibaan Axmed Aadan Bille (geesh), oo ka tirsan golaha degaanka Saylac, oo isna arrintaasi ka hadlay ayaa u jeediyay wasaaradda caafimaadka Somaliland in ay dayacday waajibaadkii ka saarnaa busbitaalka Saylac.

xildhibaan Geesh, oo arrimahan ka hadlayay waxa uu yidhi  “Waxaanu codsanaynaa, oo aanu maanta Hargaysa u joognaa, in daawadii iyo shaqaalihii la geeyo cusbitaalka Saylac ama dadka lagu yidhaahdo ma tihidin, oo ma bixinayno. Taas waa baaqa aan u dirayo dawladda Somaliland.

Shaqaale caafimaadka aqoon u leh, oo Kal-kaaliyeyaal ah (Nurses) oo degaankaas laga helayo ayaa jira, dhakhaatiir na way buuxaan.

Laakiin, sababta cusbitaalkaa loo furi waayay anagu ma garanayno. Sidaas awgeed waxaanu xukuumadda Somaliland ka codsanaynaa, in ay daawadii iyo shaqaalihiiba bixiso”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here