Hay’adaha maxalliga ah ayaa sare u qaadaya qeylo dhaanta ku aaddan COVID-19

0
230

HARGEISA—Hay’adaha maxaliga ahi waa kuwa mar walba ugu horeeya ee qeylo dhaanta sameeya, kana jawaaba xaaladaha degdega ah, maadama ay aad ugu dhawyihiin dadka dhibaatadu soo gaarto, iyagoo naftooda khatar ugaliya si ay u caawiyaan dadka dhibanayaasha ah. Iyadoo ay hada inta badan hay’adaha caalamiga ahi uu saameeyay cudurkan faafa oo ay dib ugu laabteen meelaha ay kasoo jeedaan, si loo xaqiijiyo howlaha shaqo in ay sii socdaan, inta badan waxqabadka iyo latacaalidda COVID-19 iyo kaalmooyinka kale ee bini’aadanimo waxaa gaarsiin doona dadka hawlwadeenada maxalliga ah iyagoo khatar galinaya naftooda.

Annagoo ah hay’ada maxali ah ee kumidoobay golaha Nexus, waxaan gudaneynaa waajibaadkayaga ah in aanu wax ka qabano xanuunka COVID-19 oo Soomaaliya ka dilaacay waxaana uga jawaabi karnaa si dhaqso ah cudurkaan ku faafaya Soomaaliya oo dhan. Nexus waxay uga jawaabaysaa xanuunka, si latacaalid iskudubaridan iyadoo ugudbineysa dadka fariimo caafimaad isticmaaleysana dhaqaale jeebkayaga ah iyo kuwa deeq bixiyaayaashuba. Nexus waxay xaqiijin doontaa in dadka tabaaleysan ay gaaraan fariimaha caafimaadka ee WHO oo laturjumay iyo sida la iskaaga ilaalin karo xanuunkan iyo waliba in laga hortago warbixinada been abuurka ah ee kusaabsan

Soomaaliya waxay khatar aad u saraysa ugu jirtaa inuu faafo fayraskan COVID-19 oo aan la xadidin, maareynakarin nidaamka caafimaadka Soomaaliya oo aad uliita, kaasoo saamayn doona dadka Soomaaliyeed, oo la soo daalaa dhacaayey 30 sano oo colaad, abaaro, macaluul iyo dawlad la’an. Sida ay sheegetay wasaaaradda caafimaadka Soomaaliya, illaa hadda waxaa la hubiyey 3 qof oo cudurku haleeleyey halka Somaliland laga helay labo qof, sida waddamada burburayba lagu yaqaan, Soomaaliya waxay u nugushahay saameynta xanuunkan adduunyada ku habsadey.

Intaa waxa u sii dheer Soomaaliya khatarro dabiiciya, caafimaad xumo iyo nafaqa darro, cuno tayo leh oo aysan heysan, biyo la’aan, fayo-dhawr xumo iyo aqoon yarida ku saabsan sida uu ku faafo xanuunkani COVID-19.
Dhibaatada xanuunkani wuxuu saameyn ku yeelan karaa caafimaadka soomalida isagoo waliba keeni doona dhibaato dhaqaale oo badan, sida inay cunnadu yaaraato, Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamaada fara ku tiriska ah, ee ku tiirsan lacagaha ay qurbojoogtu dibadda ka soo diraan oo lagu qiyaaso 2 billion oo doolarka Maraykanka ah sanandkiiba.
Marka ay wadamadu xiraan xudududahooda iyo ganacsiyadooda, waxay keeneysaa shaqo la’aan baahsan, tasoo saameyn ku yeelan doonta lacagaha qurbo joogtu soodirto, oo ah runti laf- dhabarta dhaqaalaha Soomalidu ay u isticmaalaan waxyaalaha asaasiga ah sida cunnada, caafimaadka iyo waxbarashada.
Dad badan oo Soomaaliyeed oo ku tiirsan lacagaha qurbajoogtu soo dirto ayaa mar horaba dareemay saameynta qaraabadooda ku yeeshay fayraska haleelay ama ay shaqo la’an soo wajahday halka kuwa kale oo badana aysan joogi karin gurayahooda maadaama ay la daalaadhacyaan Covid-19. Dhibataadani waxay kaloo culays saareysaa waddamada deeqaha bixiya kuna qasabto inay yareeyaan caawimaada dalalka shisheeye ay siiyaan si ay ula tacaalan baahida waddamadooda ka jirta, hadaba waxaan ku boorineynaa waddamada deeqaha bixiya
1

inay sii wadaan tixgalintooda dhaqaale ee Soomaliya si ay u badbaadiyaan nolosha bulshada Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Hadaba qodobada iyo tallooboyinka ay rabto golaha Nexus inay qaado waxaa kamid ah

1. Waa in la xaqiijiyo in hay’addaha maxaliga ahi qayb ka yihiin qorshayaasha la doonayo in lagaga hortago fayraska COVID-19, oo ay ka mid tahay ka qayb noqoshada go’aan gaaris walba ilaa heer qaran (Gudiga Qaran ee bini’aadanimo) iyo heer wasaaarada caafimaadba,
Annagoo siineyna dawlaada tageero farsamo iyo mid dhaqaale ee ku wajahan cudurkani, haddana waa inaynu ogaanaa in dawladu kaligeed aysan ku filnayn in ay wax ka qabato dhibaatada fayraska ee wadanka oo dhan, sidaa darted waxan kutalineynaa in hay’adaha maxaliga ah ay noqdan kuwa ugu horeeya ee ka jawaaba xanuunkani, guud ahaan dalka iyagoo la shaqeeenaya qeybaha kala duwan ee dawladda, heer qaran, heer gobol iyo waliba heer degmo. Waxaa kaloo taageraynaa, dhiirigalinaynaana dadaalada ay waddo hay’adda caafimaadka caalimiga ee WHO ee lagu xakameynayo fayraskan iyo in lala shaqeeyo hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa dawliga ahba.

2. Wa in la xaqiijiyaa in hay’addaha maxaliga ah laga qeybgalsho gargaarka bini’aadinimo ee jira, dhibkan hadda taaganna in hay’addaha maxaliga ah bahwadaag lala noqdo.
Annagoo og in Soomaliya wali ay unugushahay dhibta, haddana waxaanu ubaahanahay in la xaqiiyo in dhamaan gargaarka bini’aadinimo iyo barnaamijyadda kalaba sida cuno helida iyo ilaalinta dadka aysan khatar u galin sababo la xiriira awood la’aanta ee hay’addaha caalimiga ah. Haddaba waxaan ubaahanahay in barnaamijyo badan loosoo wareejiyo ayna hogaamiyan, fuliyaana hay’addaha maxaliga ah iyagoo la shaqeenaya dawladda lana lamaal galiyo awooda wada-xirika ku saleysan aaladaha ee hay’addaha maxaliga ah.

3. Waxaa loo bahanayahay in Shaqalaaaha hay’addaha maxaliga loola dhaqmo sida xirfadayaal caaafimaad lana siiyo tababarada muhiimka ah iyo qalabka la isku ilaaliyo si naftooda iyo bulshaduba uga nabadgaalan isugudbinta xanuunkani.

4. Hadaba wa in qorshayaasha la diyaariyey ee ku saleysanaadan waaqiciga dhabta ee hoose
a. Iyadoo lacag siintu/bixintu tahay habka ugu wanaagsan uguna sahlan ee dadka wax lagu gaarsiiyo hadana waxaan ubaahanahy in lasii wado cunada lasoo dhoofiyo dalka si ay utimaado suuqaqa soomalida,
b. Intaas waxa siidheer, inaan ubaahanahay in aan si joogto ah uqiimeyno sicirka cuntada maadama an arkeyno cunadii oo qaaliyobeysa kadibna an kujaan gooyno isbaadaladan lacagaha deeqda ah.
c. Waa in aan xaqiijina in aan wax gaarsiino bulshada soomaaliyeed, kuwasoo horeyba uhaysan biyo nadiif ah iyo fayo-dhawr gaar ahaan meelaha lagu
2

badanayahay sida maagaalooyinka iyo xarumaha barakacayaasha, iyadoo larabo in si dhaqso ah loo gaarsiiyo adeegayda faya-dhawr iyo biyaha si dhaqso ah.
d. Maadama barakacayaashu ay kunoolyihiin guryo ciriiri ah dadakuna kubadanayahy, macquul maahan in ay sameeyaan kala-fogaansho Bulsho ama ay iskarantiilaan, sidaa darted waxaa muhiim ah in teendhooyin loo sameeyo xero walba si loo yareeyo faafida COVID-19.
Ogeysiiska tifaftirayaasha:
Nexus waa gole isbedel-muuqda doon ah oo ay ku bahoobeen sagaal hay’adood oo maxali ah kuwaas oo wada qorshe horey loogu qaadayo in la sameeyo bahwadaag ka dhaxeysa bulshooyinka, hay’adaha maxaliga ah iyo waaxaha dawladda iyo kuwa gaarka looleeyahyba. iyadoo loo fulinayo hab ama qaab joogtayn ah la iskuna xirayo horumarka, nabada iyo bini’aadinimadaba.
Xubnaha Golaha nexus waxey leeyihin awood farsamo oo baaxadweyn waxayna matalaan dhamaan bulshooyinka oo iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaliya iyo Somaliland. Nexus waxay leedahay laba shuraako oo caalami ah; Save the Children iyo Oxfam oo labaduba u heellan ajendaha maxaliyaynta deeqaha.
Wixii warbixin dheeraad ah fadlan kala xiriir Aydrus Daar, Agaasimaha Hay’adda WASDA: +254 722 398 085, aydrus.daar@wasda.or.ke.
Xubnaha maxalliga ee Nexus
• African Development Solutions (Adeso)
• Centre for Peace and Democracy (CPD)
• Gargaar Relief and Development Organization (GREDO)
• Horn of Africa Voluntary Youth Committee (HAVOYOCCO)
• KAALO
• Save Somali Women and Children (SSWC)
• Social-Life and Agriculture Development Organization (SADO)
• Taakulo Somaliland Community (TASCO)
• Wajir South Development Association (WASDA)
3

LEAVE A REPLY