Wasiirada Warfaafinta iyo Arimaha Gudaha oo kulan kala yeeshay haya’adaha caalamiga ah Qorshaha Wacyigelinta Heer Qaran ee COVID19.

0
625

Hargeysa,(HargeisaPress)—Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Md. Sulayman Yusuf Koore iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Md. #Maxamed_Kaahin ayaa maanta shir kala yeeshay haya’adaha caalamiga ah Qorshaha Wacyigelinta Heer Qaran ee #COVID19.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii Dawladda iyo haya’adaha caalamiga ahi iskaga kaashan lahaayeen midaynta farriimaha wacyigelineed ee la xidhiidha xannuunka coronavirus, isla markaana loo midayn lahaa dadaalada loogu jiro la tacaalidda iyo ka hortagida xannuunka.

Shirka waxa ka soo qaybgalay Midowga Yurub (EU), Save the Children, Handicap International, American Refugee Committee (ARC), Danish Refugee Council (DRC), INSO, BBC Media Action, Transparency Solution, HaloTrust.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here