Hargeysa: Quruxda Dhirta Cagaaran Ee Lagu Beeray Barxada Hore Ee Madaarka Caalamiga Ee Cigaal Oo Soo jiitay Indhaha Dad Badan + SAWIRRO

0
2215

Hargeysa, (HargeisaPress) — Quruxdu waa qayb ka mid ah nolosha Aadamaha, iyo jiritaanka Aduunkaba, waxaa maaliba maalinta ka danbaysa kor u sii kacaaya bilicda Madaarka, “Egal International Airport “ ee Caasimada Somaliland, Farawilka iyo dhirta cagaaran waxaa ku nasta Indhaha Aadamaha, sidoo kale waxaa ku dega qaliba Qofka.

ubaxa mad 2


Madaarka Cigaal waa goobaha faro ku tiriska ah ee sida xawliga ah u fidaaya, waa bogcad ka ifasa dhamaan Geeska Africa.

 

Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka oo uu hormood ka yahay Wasiirka Wasaaradaas Cismaan C/laahi Saxaradiid (Cadaani ), ayaa goorwalba ku heelan sidii ay u hor marin lahayen, bilicda iyo dhismayaasha Madaarka.

ubaxa mad 3

 

Nidaamka iyo kala danbayanta shaqaalaha ayaa iyana ah mid ay ku heelan yihiin masuuliyiintani, bilicda iyo labiska shaqaalaha ayaa iyana qayb ka haa kor u kaca sida xawliga ah ku socda, shaqaaluhu waa qaar ku labisan dirayska shaqada oo kooxwaliba ay leedahay dirays ka turjumaaya Waaxda ay qaabilsanyihiin, waa qaar sita, kaadhka shaqada (I D Card).

 ubaxa mad 4

Qadarinta iyo xushmayan dhoofayaasha iyo soo degayaasha, ayaa iyana ka mid ah, isbedalada uu ku talaabsaday Madaarkani, qofku marka uu soo dego ama ka dhoofo Madaarka Cigaal waxa uu ka baxa kadimadiisa isaga oo ku kalsoon shaqda loo qabtay, jeclna in ay Indhahiisu ku sii nastaan oo ay sii joogaan Bilicda Beeraha Cagaaran ee Madaarkaas.

ubaxa mad 6

 

Sugida Aamanka ayaa ah mid si weyn loo xoojiyey oo Gaadiidka, Alaabada, iyo Dadkuba ay maryaan baadhitaano kala danbeeya, taas oo uu ku kasbaday Madaarku in ay isticimaalaan Diyaarado Caalami ah oo ay ka mid yihiin Ethiopian Airline, Fly Dubai, Daalo Airline, Juba Airways, iyo Turkish Airline, oo hada wada hadal kula jirta Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Somaliland.

ubaxa mad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here