Hargeisa: Qoys Dhan oo Ku Dhintay Guri Ku Dumay

0
1104

Hargeisa (Hargeisa Press)- Waxaa saaka magaalada Hargeysa ka dhacay arrin murugo leh, kadib markii qoys dan yar ahaa uu ku soo dumay dhisme ay ka daganaayeen xaafadda Bir-jeex.

Qoyska ayaa ka koobnaa illaa afar Qof oo kala ahaa laba Caruur ah, Aabahood iyo Hooyadii reerka, kuwaas oo dhammaan ku dhintay isla goobta.

Reerkan ayaa deganaa Aqal Soomaali ka dhex dhisnaa dhismo qadiimi ah oo ku yaalla xaafadda Bir-jeex ee magaalada Hargeysa, kaas oo ka mid ah guryihii uu dhisay Ingiriiska.

Aabaha qoyska ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Feysal Aadan Caddi, halka hooyaduna ay ahayd Xaamilo.

Sidoo kale, waxaa goobta ay dhibaatadu ka dhacday gaadhay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland, sida Maayirka Hargeysa, guddoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex iyo taliyaha ciidanka Dab Damiska, kuwaas oo ka qeyb qaatay gurmadka la fidiyey.

Meydka Afarta Qof oo ugu dambeyn laga soo saaray dhismaha hoostiisa ayaa waxaa la geeyey Cisbitaalka magaalada Hargeysa.

Arrintaan ayaa murugo xanuun badan ku reebtay dadka Xaafadaasi oo haatan si aad ah u hadal haya dhacdadaasi murugada leh.

 

Hoos ka daawo muuqaalka warka

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here