Hargaysa: Shir Ku Saabsan Caqabadaha Wax Soo-saarka Beeraha Somaliland

0
205

Hargaysa (HP): Wasaaraddda Beeraha Somaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabatay shir ku saabsan Caqabadaha iyo Fursadaha Wax Soo-saarka Beeraha Somaliland.

Kulankan oo soconaya muddo laba Maalmood ah, ayaa waxa soo qaban-qaabiyey Wasaaradda Beeraha oo taageero ka helaysa mashruuca Barwaaqo ee ay kala shaqayso Baanka Adduunka.

Waxaana shirkaasi furay wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa tafaasiil ka bixieyey ujeeddada Shirka loo qabtay iyo dedaallada ay Wasaaradda Beeruhu ugu jirto sidii Somaliland isku filaansho uga gaadhi lahayd dhanka Cuntada.

Shirkan ayaa mudada uu socdo lagu lafo-gurayo Caqabadaha iyo Fursadaha Wax soo-saarka Beeraha Somaliland.

Waxa kale oo ka hadlay shirkaasi wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta, Diinta iyo Awaafta, Horumarinta Reer Miyiga, Wasiir ku-xigeenka Beeraha, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha.

Waxaanay dhamaantoodna ka warrameen sida ay muhiimka u tahay in gacmaha la isku qabsado sidii dalku u gaadhi lahaa isku filaansho dhanka Cuntada ah.

Waxa xusid mudan in shirka ay ka qayb-galeen Madax ka socotay Safaaradda Taiwan ee Somaliland iyo qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Beeraha dalka, kuwaasi oo shirkan aad u soo dhaweeyay

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here