Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyay Ajandaha Kal-fadhigoodda 83-aad

0
295

Hargaysa (HP): Mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 83-aad oo uu ku jiro kaabistii xeerka doorashooyinku.

Ajandahan ayay ku shaqayn doonaan xildhibaanadu intay ku guda jiraan Kalfadhigoodan 83aad.

Fadhigii saaka ee golaha guurtida JSL, oo u shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Maxamuud Aadan, ayaa mudanayaasha golahaasi waxay cod gacan taag ah ku meelmariyeen ajandahooda Kalfadhiga 83-aad.

Waxaanu guddoomiyuhu codaynta kadib uu si rasmi ah ugu dhawaaqey natiijada uu ku ansaxay ajandahoodaasi.

Waxaa ogolaadey 45 Xildhibaan, waxaa Diidey 4 Mudane, 2 Mudane ayaa ka aamuusay guddoomiyuhu muucodayn, sidaasi ayuu ku ansaxay ajandaha Kalfadhiga 83-aad ee golaha guurtidu.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Mudane Siciid Jamac Cali, ayaa mudanayaasha golahaas ka hor akhriyey qoddobo mudanayaashu wax ka baddel iyo kaabis ku sameeyeen oo ajandahooda ku jira.

Kadib markii mudanayaashu dood ka yeesheen ajandahoodaasi.

Waxaana ka mid ahaa wax ka qabashadda arrinta sicir bararka dalka ka taagan iyo sidii wax looga qaban lahaa adka soogalootiga tirada badan waddanka ku sugan.

Gaba-gabadii guddoomiyaha ayaa mudanayaasha faray inay soo dadaalan inta lagu guda jiro waajibka shaqo ee golaha.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here