Wasiirka Ciyaaraha JSL Oo Boorama Ka Furay Tartanka Kubada Cagta Awdal

0
245

Boorama (HP): Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha JSL, ayaa magaalada Boorama ka daah furay tartanka ciyaaraha kubada cagta ee gobolka Awdal.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha waxaa furitaanka tartankaasi ku weheliyay badhasaabka gobolka Awdal, maayarka Boorama, iyo masuuliyiin kale.

Isu duwaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka awdal Xasan Siciid oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in garoonka Xaaji Daahir ee magaalada borama ay ku samaysay wasaaradu dayac tir islamarkaa loo diyaariyay in lagu qabto tartanka oo maalinta beri ah si rasmi ah u furmi doona.

Badhasaabka gobolka Awdal Xasan Xaddi iyo maayarka magaalada borama Maxamed Axmed Warsame, ayaa dhankooda balan qaaday in doorkooda ay qaadan doonaan wax kasta oo tartankaasi kaga soo hagaaga iyagoo dhalinyarada ugu baaqay in ay si hufnaan ah uga qeyb qaataan taratanka mudada uu socdo.

Gabagabdii wasiira wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cabdi Xakiim Xirsi Jaamac, oo ka hadlay halkaasi ayaa soo dhaweeyay tartanka loo qabanayo dhaliyada ku dhaqan gobolka Awdal.

Isagoo tilmaamay in ciyaaruhu ay yihiin awooda lagula dagaalamo mukhaadaraadka iyo qabyaalada.

Waxaanu dhalinyarad aku booriyay in si wanaagsan ay uga qeyb qaataan tartanka islamarkaa dhankooda ay ka ilaaliyaan amaanka .

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here