Saaxil: Masuuliyiin Beeniyay In Qof Qaba Covid19 Laga Helay Berbera

0
463

Berbera (HP): Badhasaabka Saaxil iyo maayarka Berbera ayaa beeniyay war baraha bulshadda ee Internet-ka la isla dhex marayay oo sheegayay in qof qaba xanuunka Covid19 laga helay Berbera.

Maayarka iyo badhasaabka oo maanta warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in warkaasi aanay waxba ka jirin, isla markaana uu yahay mid bulshadda reer Berbera khal-khal lagu gelinayo.

Warkaasi ayay masuuliyiintu ku tilmaameen wax aad looga xumaado, iyagoona warbaahinta uga digay in aanay qori Karin ama faafin Karin war la xidhiidha Corona Virus ilaa wasaaradda caafimaadku shaaciso.

Waxaanay sheegeen in cidii warkaasi baahisay oo ay garanayaan sharciga lala tiigsan doono.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here