Hargeysa: Qoysas Danyar ah oo Loo Qaybiyay Aqoonsiyo Raashinka Lagu Siiyo

0
249

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay\adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland ayaa maanta kaadhadh caawimo lagu siinayo muddo 6 bilooda u qaybiyay 856 qoys.

Hay’adda qoxoontiga Somaliland oo kaashanaysa hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin ee WFP iyo UNHCR, ayaa si wada jira ugu qaybiyay qoysaskaasi, kuwaas oo isugu jira Qaxoonti iyo soo noqdayaal.

Agaasimaha Waaxda soo noqdayaasha ee haayadda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland Rooble Ibraahim Maxamed, ayaa ku wargeliyay inay bakhaarada raashinka kaga qaadan karraan kaadhadhkan rashiin dhammeystiran.

Waxaanu yidhi “Ujeedada aanu idiinku yeedhnay waa qaybinta mashruuc raashin oo soconaya muddo 6 bilooda, kaadhadh ayaa la idinsiinaya qofkastana bakhaarka ugu dhaw ayuu tagaya, raashinka wax allaale wixii uu doono ayuu ka soo qaadanayaa.

Dadka kaadhadhkan la siinayaa waa dad ka badan kun qoys, kuwaas oo isugu jira Hargeysa iyo gobollada dalka, WFP waanu u mahadcelinaynaa”.

Sidoo kale masuuliyiintan haayaddaha WFP iyo UNHCR ayaa sheegay in aanay jirin cid ugu mano sheegan karta dadka kaadhadhka la siiyay.

Gaba-gabadii qoysaskii kaadhadhkan la siiyay ayaa haayaadda Qaxoontiga iyo barakacayaasha iyo haayaddaha WFP iyo UNHCR uga mahadceliyay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here