“Xuduudka Somaliland maleeshiyo ma bedeli karto Fiqi-na ma bedeli karro…”

0
654
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiye xisbiga UCID, ayaa Egng, Faysal Cali Waraabe, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay wasiir ka tirsan dawladda Soomaaliya oo sheegay in ay SSC u aqoonsadeen maamul goboleed ka tirsan dawladda federaalka.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in hadalka dawladda federaalka Soomaaliya aanu wax macno ah, iyo saamayn ah ku yeelanaynin jiritaanka, dawladnimadda, iyo mustaqbalka Somaliland.

Hadalkan guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa jawaab u noqonaya war ay Khamiistii doraad soo saartay wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ay ku sheegtay in ay kooxda SSC u aqoonsatay maamul goboleed ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa sheegay in in xuduudka Somaliland aanay waxba ka bedeli karin maleeshiyo reer ka tirsani.

Eng. Faysal, oo ka jawaabayay hadalka wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa tilmaamay in tallaabada ay ku kacday dawladda Muqdisho, in ay soo dedejinayso in Somaliland ay xuduudkeedda si buuxda u sugto.

Geesta kale Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland, iyo shacabka ba in la isugu yimaado shir lagaga wada tashanayo tallaabadan ay Soomaaliya ku kacday.

 

Dhinaca kale guddoomiyaha UCID wuxuu ka sheekeeyay sidii ay ku timid midnimadii ay Somaliland sanadkii 1960-kii la yeelatay Soomaaliya, iyo dariiqii dheeraa ee loo soo maray dib ula soo noqoshadda madax banaanidda Somaliland.

Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa dawladda Muqdisho ku tilmaamay mid fashilantay oo u kala qaybsantay maamul goboleedyo maqaar-saar ah, isla markaana aanay maamul goboleedyadu ka amar qaadan dawladda federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here