HARGEYSA– Musharax Aqoonyahan Maxamed Xasan Warsame, oo Ku Magac loo garan ogyahey (Maxamed Xasan Bidaar), ayaa go,aansadey inuu mar labaad u Shaqeeyo Dadkiisa iyo dalkiisa Kadib Markii uu Mudo dheer iyo Wakhti adag ugu Shaqeeyay Shacabka Somaliland si tabaruc iyo is xilqaan ah adeegayada arinaha Bulshada iyo kaabayaasha danyarta ee dhinacyada aasaasiga nolosha.
Aqoonyahan Musharax Maxamed Xasan Warsame, oo waxabarasho heearar kaka Duwan ah Ku qaatey Dalka Britain islamarkaana, la shaqeeyay hay,addo caalami ah waxa uu Ku suntan yahey in uu Meel Kasta oo uu joogo wax la Taaban iyo Arimo khusuusi ah ugu Tacab baxey Somaliland arimaheeda dublamaasiyada, xidhiidhada Caalamiga ah Arimaha xuquuqda aadamaha, doorka Midnimada Bulshada iyo Cilmi Baadhista kheyraadka Dalka dhinacyo Kala duduwan.
Maxamed Waxaa Damaciisa Siyaasiga ah soo dhaweeyay Aqoonyahan tira badan Siyaasiyiin iyo waxgarad Aqoon u leh shakhsiyadiisa iyo qofka uu yahey.
Waxa uu Xiligan weysada usoo biyaystay in uu isku diyaarinayo Tartanka Doorashada Golaha Wakiilada, ee sanada 2026 la qabsoomo doonta Somaliland.
Musharax Maxamed Xasan Warsame oo lagu yaqaano karaamo shaqsiyadeed iyo hal adayg daacadnimo ku dheehantay ayaa bulshadu aad ugu diiraadeen markii uu ku dhawaaqay inuu u taaganyey doorashada soo socota ee Golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodi-jeex, waxaana maalmihii ugu dambeeyey baraha bulshadu ku xidhiidho lagu arkaayey hambalyada iyo bogaadinta ay bulshada reer Somaliland guud ahaan ku qaabileen shaacinta Musharaxnimada Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi-jeex ee Musharax Maxamed Xasan Warsame.
Musharax Maxamed Xasan Warsame waxan ku hambalyeynayaa isla markaasina ku bogaadinayaa go’aankiisaas Siyaasadeed ee uu iskugu soo taagay Golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodi-jeex, waanu ku guulaysanayaa Insha Alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.
HargeisaPress News Desk