Berbera (HargeisaPress) – Maayerka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), ayaa aqlabiyad ku hoggaaminaya Xildhibaannada Golaha Deegaanka Berbera oo loollan adagi ka dhex taagnaa maalmahan.
Wararka ka soo kordhay caawa loollanka Hoggaanka Golaha deegaanka Berbera, ayaa sheegayaa in Musharixii Maayerka Berbera muddada dheer raadinayay hoggaaminta Golaha Deegaanka Mudane Maxamed Ibraahim Dable inuu ku biiray xalay Xildhibaannada muxaafidka ah ee dhisaya Maayer Cabdishakuur Cidin, taasoo ka dhigan inuu ka tanaasulay hankiisii Maayirnimo, isla markaana ka mid noqday Xildhibaannada kursiga ku ilaalinaya Duqa Magaalada Berbera, ka dib markii heshiis dhexmaray, sida la sheegay.
Dhalinyaro badan oo ka mid ahaa taageerayaashiisa, ayaa ka niyad-jabay go’aanka uu qaatay ka dib muddo 4 sano ah oo uu ku sadqeeyey hankiisa, ka dib markii uu dhaafsaday sida la sheegay lacag 200 oo kun oo Doollar ah oo xoguhu tibaaxeen inuu Maayer Ciddin heshiiska tanaasul ee dhexmaray uu ku kacay oo uu Cidin siiyey Dable.
Tallaabadan ayey Dadka siyaasada faaleeyaa ku tilmaameen inay tahay uun mid uu u qaaday si uu kursiga uga fogeeyo Musharraxa ugu cad cad jagada Hoggaanka Golaha Deegaanka Berbera Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf, isla markaana horkacaya Xildhibaannada Mucaaridka ah ee doonayaa inay xilka ka qaadaan Maayer Cabdishakuur Cidin.
Waxa xusid mudan in Xildhibaan Maxamed Ibraahim Dable ay isku deegaan siyaasad ahaan ku loollamaan Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf, isla markaana ay tallaabadani kala saartay Hamigood hoggaaminta iyo Siyaasada.
Xildhibaan Cabdirashiid, ayaa sidoo kale ka mid hoggaanka sare ee Xisbiga talada dalka haya ee Waddani oo uu door weyn kasoo qaatay inay ku guulaystaan Hoggaaminta Somaliland doorashooyinkii u dambeeyey ee madaxtinnimada ee dalka ka qabsoomay 13 November 2024-kii.
Si kastaba ha ahaatee, Maayerka Berbera Mudane Cidin, ayaa aqlabiyad ku hoggaaminaya caawa illaa xalay Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Berbera, waxaanu haystaa taageerada 8 ka tirsan 13 ka Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Berbera, halka dhinaca ka soo horjeeda oo marka hore aqlabiyad ahaa hadda ay ka yihiin 5 Mudane oo keliya.
Haddii aan saacadaha soo socda wax is beddelin, ka dib markii 4 Mudane oo Dable ku jiro Maayer Ciddin ku guulaystay inuu ka kaxaysto, ka dib isfaham yimi markii uu dhaqaale u ballan-qaaday 4 xubnood ee loollanka kula jiray, kaas oo wararku sheegayaan laba weji loo kala qaaday dhaqaalaha oo qayb hadda la siiyey, qayb dammaanad lehna la isla gartay codaynta ka dib, sida ay xoguhu muujiyeen.
Waxana kulammada iyo shirarka loollanka Mudanayaasha golaha Deegaanka Berbera ka socdaan maanta, caawa iyo illaa xalay Hargeysa iyo Berbera oo dhaqdhaqaaqooda aad looga dareemayo.