Hal-abuur Shucayb Cabdiraxmaan oo Xabsiga Laga Sii Daayay

0
1472

Hargeisa (Hargeisa Press) – Hal-abuur Shucayb Cabdiraxmaan oo ka mid ah fanka iyo suugaaanta ee xilliyada dambe soo baxay ayaa maanta xabsiga laga sii daayay.

Shucayb yare ayaa Ciidammada Booliska Somaliland xalay xabsiga u taxaabeen.

Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Cawad ayaa xaqiijiyay in xabsiga laga sii daayay Abwaan Shuceyb Yare.

Wasiirka ayaa xadhiga abwaanka ku tilmaamay in uu ahaa mid isfahan-waa ah.

Abwaanku Toddobaadkan ayuu soo saaray Maanso uu kaga hadlay xaaladda dalka isla-markaana uu dhaliil ugu jeediyey hoggaanka Qaranka Somaliland.

Maansada dhaliisha ah ee uu soo saaray Shucayb yare ayaa si weyn ugu baahday baraha bulshadu ku wada xidhiidho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here