Faroole oo Ku Eedeeyay Farmaajo Inuu God Dheer Ku Sii Ridayo Soomaaliya

0
1260

Muqdisho (Hargeisa Press)- Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo ah Senator ka tirsan golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan matalaaddda la siiyey gobolka Banaar.

Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa si weyn uga horyimid ansixinta xeerkaasi, kadib markii xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ay meel mariyeen in gobolka Banaadir uu Aqalka Sare ku yeesho illaa 13 xubnood.

Sidoo kale, wuxuu go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay mid sharci darro ah, islamarkaana lagu deg-degay.

Faroole ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tumanayo shuruucda Soomaaliya, kuna sii ridayo god dheer, isaga oo kula shirkoobay guddoonka golaha Shacabka.

“Dalkii god buu ku socdaa, madaxweynihii dastuurka loo xil saaray inuu difaaco baa godka ku riday, wuxuuna kula shiraakoobay sharci darada hoggaanka Golaha Shacabka.”ayuu yidhi Senator Cabdiraxmaan Faroole.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here