“Duudsi quudhsi iyo eex ayaa lagula kacay Somaliland”…Qoraa Boobe

0
1805

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Qoraa C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa dhaliilay doodihii la isku waydaarsaday shirkii todobaadkan ka dhacay dalka Jabuuti ee Aragti wadaaga Dabaysha isbedeladda Geeska Afrika.

Waxaanu ku tilmaamay shirkaasi in uu ahaa mid quudhsi, hafar, duudsi iyo eex lagula kacay jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana xubnihii lagu soo casuumay oo aad u badnaa ahaayeen kuwii Somaliland ugu necbaa.

Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid dhinac ka rarran, ka qayb gelayaasha badankooduna ay ka soo jeedeen dhasho ahaan Koonfurta Soomaaliya.

Geesta kale Boobe, ayaa madaxweynaha dalka jamhuuriyadda Jabuuti ku amaanay khudbadii uu shirkaasi ka jeediyay ee ku aadanayd isbedeladda siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Halkan Hoose Ka Daawo Boobe Oo Arrimahaas Faahfaahinaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here