Itoobiya: Dagaallo Oromo iyo Soomaali Ku Dhexmaray Degmadda Tulli Guuleed

0
936

Tulli Guuleed (Hargeisa Press.com): Waxaa maanta degmadda Tulli Guuleed ee degaanka Soomaalida Itoobiya lagu aasay 8 qof oo  ku dhintay dagaallo xalay ilaa shalay qawmiyadaha Oromadda iyo Soomaalida  dhexmaray.

Dagaaladaasi oo la sheegay in ay khasaare badan sababeen ayaa Soomaalida iyo Oromadda ku dhexmaray degmooyinka Tulli Guuleed iyo Jinacsani, halkaasoo inta la xaqiijiyay 10 in ka badan ay ku dhinteen.

Sidoo kale waxaa saaka magaaladda Jig-jiga   la geeyay 9 qof oo dagaalkaas ku soo dhaawacmay, halka 8 qof oo dagaalkaas ku dhintay maanta lagu aasay magaaladda Tulli Guuleed. Iyadoo wararku sheegayaan in degmadda Jinacsani in uu jiro khasaare ka dhashay dagaaladaasi.

Qawmiyadaha Oromadda iyo Soomaalida ee wada dega dalka Itoobiya ayaa mudooyinkan danbe waxaa u dhexeeyay dagaallo soo noq-noqday, kaasoo ku salaysan muran dhinaca dhulka ama degaanka ah.

Geesta kale iyadoo dagaaladan aan weli xal loo helin ayaa hadana waxaa taa bar-bar socda dedaallo badan oo ay wadaan madax dhaqameedka, odayaasha iyo xukuumadda Itoobiya oo la doonayo in lagu xakameeyo dagaaladaasi.

Dhinaca kale isla todobaadkan ayaa dagaallo sababay khasaare balaadhan oo dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hantiyeed ah ayaa   qawmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda ku dhexmaray degmadda Moonyaale  oo ku taalla xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Itoobiya.

Iyadoo markii danbe magaaladda Moonyaale la geeyay ciidamadda milateriga federaalka Itoobiya oo kala dhex galay labadda dhinac ee dagaalamay.

Si kastaba ha ahaatee, maanta ayaa baarlamaanka federaalka Itoobiya wuxuu ansixiyay guddi ka shaqeeya xalinta khilaafaadka xuduudaha qawmiyadaha ee dalka Itoobiya.

Taasoo loo arko in u jeedadda laga leeyahay tahay sidii xal kama danbays ah looga gaadhi lahaa colaadahan u dhexeeya qawmiyadaha wada dega Itoobiya oo dhiig badani ku daatay.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY