Wasiir Sacad oo Hortegay Guddiga Daba-galka Hantidda Qaranka Ee Wakiillada

0
531

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa maanta hortagey guddida daba-galka iyo ilaalinta hantida Qaranka ee golaha Wakiillada.

Kulankaasi oo ay xubnaha guddigu su’aalo kaga waydiiyeen wasiirka xisaab xidhkii miisaaniyadda dawladda ee sanadkii 2022-ka.

Guddoomiyaha guddida daba-galka iyo illaalinta hantida Qaranka ee golaha Wakiillada Somaliland xildhibaan Mustafe Khayreeye, ayaa sheegay in ay wasiirka Maaliyadda ka wada hadleen xisaab xidhkii sannadkii 2022-kii.

Kaasi oo guddida daba-galku gacanta ku hayso, waxaanu intaas ku daray in ay sidoo kale ka wareysteen xaalada guud ee dhaqaale ee dalka iyo waxyaabihii ay uga baahnaayeen wasaaraddaasi.

Geesta kale waxa uu sheegay xildhibaanku in nuxurka warbixinta wasiirka iyo masuuliyiinta la socday ay la wadaagi doonaan golahooda, sig ole waynuhu uu go,aan uga gaadho, gaadhsiiyana halkii ay ku haboonayd.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isna sheegay in kulankii ay la qaateen guddida dabagalka su’aalo la xidhiidha arrimaha Maaliyadda.

Dhaqaalaha, miisaaniyada iyo qodobo kale wax laga weydiiyay isla markaana ay uga jawaabeen si waafiya.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here