Guuxa reer Gebilay iyo dareemada ku xeeran doorashada hoggaanka KULMIYE

0
1679

Waxa isasoo taraya warar sheegaya in Madaxweyne Muuse Biixi ka warwareegayo ballan uu hore ugu qaaday beesha deegaanka Gebilay oo ahaa in uu ku dhisayo kursiga gudoomiye ku xigeenka KULMIYE. Reer Gabiley oo isku raacay in Dr Maxamed Cabdillahi noqdo musharaxa ay ku midaysan yihiin ayaa la sheegayaa in kulan madaxweynuhu kula balansanaa aanu suurtogalin. Madaxweynaha ayaa safar u baxay maanta iyadoo la sheegayo in uu Berbera joogi doono dhawr maalmood. Marka danbena u bixi doono Burco. Kulankii beesha Gebilay iyo madaxweynaha ee baaqday waxay keentay dareeno badan oo laga shakisan yahay in Muuse Biixi ka warwareegayo ballanqaadkii uu sameeyay.

Reer Gebilay oo doorkan taladoodu u midaysan tahay isla markaana aaminsanaa in ay abaal ku leeyihiin Kulmiye iyo Muuse Biixi ayaa maalmahan guux badani ka jiraa. Xubno badan oo haldoorka reerka ah ayaa aaminsan in hadii Muue fulin waayo ballantii la isku ogaa, in reerku ka tashado kasii mid ahaanshaha iyo kulmiye iyo taageeradiisa. Waxay beeshu qabtaa in ay muhiim tahay in talo laga yeesho halka reerku u guuri doono iyo cidda ay taxaaluf cusub la samaysan doonaan.

Hadii beesha Gebilay go’aankan qaadato waxay dhabarjab ku noqon doontaa Muuse Biixi iyo xisbiga KULMIYE. Waxay weji gabax ku noqon doontaa Maxamed Kaahin oo xisbiga loo cumaamadi doono.

Waxaynu eegi doonaa maalmaha soo socda sida ay arrintani kusoo gabagabowdo iyo go’aanka reer Gebilay qaadan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here